borama 250x250

Tuesday, 08 November 2016 04:25

HOGAANKA LA HUBO HAGAAYA DALKEENA WAA HOGAAMIYAHA WADANI IYO KU XIGEENKIISA.

HADAAN LAYS DAFIREYEN

ODHAAHDII NAGU DEEQDAY.

CILMINA DAA HADALKII.

=======================.

WAXA HUBAALA IN MAANTA XAALADA WADANKU MARAYSO MAR XALAD

ADAG SIIBA ABAARAHA KU HABSADAY GEYIGEENA INTIISII BAAXADA

DHULEED LAHAYED EE XOOLUHU KU NOOLAAYEEN,WAA SAAXIL

BARI WAA TOGDHEER WAA SANAAG IYO SOOL. WAA QANIIMADII

DEEGAANADA XOOLO DAAQSIMEEDKA UGU BALAADHAN EE SOMALILAND,

WAXANA AAD LOOGA SOO DAYRIYEY DABAR GO DUUNYO  OO DADKIINA

KU XIGO.ALLAHA WEYEN WAXBA KUMA AHA IN ABAARTAA LA INAGA JEBIYO

MAYEY ROOBNA KU HOORO ALLAW BARYADAADAA LAGU BAAXI BAXAAYE

AAMIIN.

WAXAY I XASUUSISAY 1974KII ABAARTII DABADHEER EE ISLA DEGAANKAA

KU DHUFATAY TAAS OO SANKU NEEFLE RUQDAY CID GACDA LA WAAYEY

GURMAD WAXA LA SOO GAADHAY DAWLADII MILITERIGA EE DALKA XUKUMAYSAY

WAXA HOR MOOD KA AHAA GENERAL ISMAACIIL CALI ABOKOR OO MARKAA

AHAA MADAXWEYNE KU XIGEENKUU SADEXAAD EE KACANKII,

WAXA U SUURO GASHAY IN UU KAAMAM U SAMEEYEY DAD IYO DUUNYO

WIXII NAFI KU JIRTAY LOO RARAY MEEL BIYO IYO BAAD LE WUXU KU DAABULAY

XATAA BUULASHOODII WAXARIHII AWRKII RATIGA  DIYAARADO WUXU DEJIYEY

DAJUUMA IYO SABLAALE IYO WEBIYADA, WAA WAAJIBAAD DAWLADEED

LAA SHUGRAN CALA WAAJIB

KULU SEMEN LAHAA RIJAAL, KULU SEMEN LAHAA DAWLO

==============================================

HOR MOODKA DALKU MAANTA WAA KUMA?

GURMAD YEY KA SUGAYAAN?

WAADAWLADA  MADAXWEYNE  AXMED MAXAMED MAXAMUUD SIILAANYO

WAA KU XIGEEN        CABDIRAXMAAN CABDILLAHI SAYLICI

MADAXWEYNUHU WUU DADAALYEE WAA WAAYEEL CUSLAADAY.

ALAHA SHAAFIYEE KU XIGEENKUNA WAA SARIIR JIIF SAACADAN.

DILAAC MISIGTA BIDIX KA SOO GAADHAY.

GUDOOMIYAHA GUURTIDUNA XAAJI SULIBAAN WAA WAAYEEL CUSLAADAY.

WAXA MASUUL DHAQAAQI KARA JIRA WAA GUDOOMIYAHA GOLAHA SHACABKA

ISLA MARKAANA AH MURASHAXA MADAXWEYNAHA EE WADANI

FAKHAAMATU CABDIRAXMAAN CIRRO.OO MAANTA DALKA KU SOO LAABTAY

SHIR JARAAID KU SHEEGAY BAAQ IN UU BEESHA CAALAMKA GAADHSIIYEY MARKUU

JOOGAY DALKA ISKUTAGA EMAARAADKA ,SHIR ISKU SOO DHAWAAN AH OO UU

KHAATOUMO OO PROF CALI KHALIF GALAYEDH GUDOOMINAYEY UU ADDISABADA

 GULAN KULA YEESHEY MEEL FIICANA ISLA DHIGEEN.

SUAASHA IS WEYDIINTA MUDAN WAA DALKAN IYO DADKAN YAA U QAYELO DHAAN AH?

CAR MAY SOO BAXDAA IN UU DALKA IYO DADKU DAWLADNIMO KA QAAWANYAHAY?

GUDAHEENII SOO DHAAFDAY EE AAFADAN ABAAREED WAX FEYDAA

OO XAAL NOQDAA ALAMTARANA SOO DHAAF.

MAXAA SHACABWEYNAHA IYO ASXAABTA MUCAARIDKA IYO TUJAARTA DALKA UGA QORSHEYSAN,

KAW WAA IN GUDIDA ABAARAHA SI DHAKHSO AH LOO XULAA ,

INTII AWOODI TAHAYGUDE IYO DIBADBA LA CARARAA.

AAWEY WASAARADII DIINTA IYO AWQAAFTU WAA XASANAADKII IYO DOORKOODII.

.

GUDIDA DOORASHOOYINKU SHANQADH YARAA CARD BIXINTII  VOTE CARD MEEYE WAKHTI MA HADHIN,

BERI MA WAKHTIGAA CIDHIIDHYA IYO SEERFARKAA XUMAADAA IYO LAGAMA GAADHSIINAYO

AXSAABTA QARANKU INTAY QABAAIL KALA JIIDASHADA  ISKA DEYSO DABA GALA G. DOORASHOOYINKA

IYO DARDARANGELINTA DIYAARINTA HAWLAHA VOTE CARDS ARRANGEMENT OF COMMITTEE OF ELECTORAL BOARD

AND POLLING PLACES OOF EVERY REGIONS .

MISE WAA

HEE

DACAWADII XADHKII REERKU KU GUURI LAHAA CUNTAY  EE TIDHI

WALEE REER AAN OGAHAY MA GUURO.

RABOW GUUL IYO GARGAAR ADAA LEH.

XAQ U DIRIR

MUSA AW HASSAN LODOON

AWDALI DUBAI

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree