Tuesday, 20 December 2016 11:44

DOOD AAD U KULUL OO DHEXMARTAY MADAXWAYNE AXMED SILAANYO IYO GUDOOMIYE MUSE BIXII SIDII BAY U DHACDAY BY FAISAL FARAFIDYE

Axmed Silaanyo;
Gudoomiye muse waanku salaamay ee bal Xaalad ka waran.
musiMuse Bixii.
Madaxwayne ka sareeye ee weli ma gudoomiyihii baad taagantahay waxaan soo maray Gudoomiye, Musharaxa Madaxwayne, Madaxwaynah Mustaqbalk, iyo Madaxwayne dhaarti u hadhsanantahy oo weliba Mujaahidnimo u dheertahay baa maanta la iigu yeedhi , markaa title kaygu waa Gudoomiye Muse Bixii Madaxwaynaha dhaartu u hadhsantahay oo weliba mujaahidnimo u dheertahay ee ha kala ilaawin beryahan danbe ilawshiyaha ayaa kugu badane.
Axmed Silaanyo;
ALLAYE INTEEDA AYAAN KU SUGAY ARADKA GAAROODI.
Waar ma aniga oo nool bal kursigii ka dhigtay KU QABSO KU QADI MAYSIDE, taasi waa sababta aan kursiga madaxwaynah qofulka iyo silsiladda uga sii xidhaa habeenkii markaan seexanayo, ee bal wararka i sii iyo mashaariciddii xagga xisbiga waddani ka waran.
Muse Bixii;
Derajooyinkan adeer KAADIDAYDA BAAN U SOO CABAY oo adba waad ogtahay inta igula tartantay ee aan kaga guulaystay. jabaabirtii Kulmiye meeye Muse waydii baa ka dhacday.
Axmed Silaanyo;
Tartankaba dhac waar ma raggii aan idhi DUCO IYO HABAAR KALA DOORTA, baad tidhi waannu tartanay ee hiilkii aan galay maanta fiintu na dhex miranayso. jabaabirtaba dhacday ma raggii aan garba duubka kugu xidhay baad maanta ku faanaysaa daaqadda baan ka tuuray.
Muse Bixii;
Adeer ilaa qaaxo xadhigaan xidho waa la yaqaana ee haddii aan kaga waramo mashruuci wayna ee kala daadinta Waddani maynaan ku guulaysan oo Shirkii GOLAHA dhexe ee waddani si fiican buu ku dhamaaday,tii kaadhadhka GOLAHA dhexe way ka diyaar garoobeen oo waxba noogamay suura gelin, ninkii  aynu filaynayna inuu taageero badan xisbiga ku leeyahayna sow ciddla ayuu gudayay shirkiina waa kii ka soo duday isaga oo laba qof wata ayaanu Hotel Ambastoor ka soo qaadnay waxbana mu soo kordhin, arintaas guul inagamay raacin.
Axmed Silaanyo;
Adeer MA INAKII CALI GERI AHAYN BAA ISU ASKERINAYNAY qaaxona waan kula joogay oo iiga warami maysid, ee dhaqaalihi, wakhtigii iyo afartii wasiir ee aynu u xil saarnay arintaas Shirkii Xisbiga Waddani ma biyo col dhaanshay bay ku danbeeyeen.maanta waddani waxaa  isgu tegay siyaasiyiinti dalka oo dhan inta safka hore soo fadhida iska  daayo, ragga daaha dabadiisa ka hagayaana mataqaanaa  ( MUS DANBEEDKA) waa DAAHIR riyaale Xasan ciise, Axmed Mire, Dhegawayne, Xasan guure, Cabdillahi dhoola yare, Dr. gaboose , Adana, iyo Xaaji SALEEBAN nuur oo la tuhunsanyahay inakuna  yaynu haynaa oo ragga u jilib dhigaya.qoldan wasiiradda ah ee markaan cid kale waayay aan meesha ku canqaqabay ee dawlada ku noolka ah iska ilaw ee maxaad haysaa xaladdii kululaatayoo arinku sidii aynu ku wadna dhaafe.
Muse Bixii;
Mude Madaxwayne Arintii UCID IYO yarkii Jamaal guul baanu ka gaadhnay oo waxaanu kaga yeedhsiinay Muse baan dhisayaa, ragga waddani isugu tegay hadday raaca hore tahay ama raaca danbe kolaytahayba waa raag adag lakin  difaaceeddii waa noo diyaar oo laba aag baanu kala dagaal gelaynaa, xisbiguna musdanbeed buu leeyahay horaana loo yidhi kabti xume ma hadhee kabti laawe ayaaa hadha kolay raggaas raggan baanu uhaynaa, aqoonyahan Jamal, mujaahid Cali guray, sheikh SAMAALE, aftaham Bukhaari,Siyaasi Nac Nac, Taagir Cali MAREEXAN,iyo oday Axmed x. DAAHIR.
Axmed Silaanyo;
Adeer musdanbeedkaba dhac ma ninmakan cadaysimaha ee aan nin laba qof wataa aanu ku jirin ee qaadhan diidka ah ee ay nin walba kala dhaqaaqen beeshiisi baa ku mus danbeed ah adeer tani inaga soconmayso ee JIIB NOM TAANI,
Muse Bixii;
Mudane Madaxwayne miyaanad arag  sidii saaxil Jamaal loogu soo dhaweeyay iyo wacdarahii aanu Boorame ka dhignay iyo siday AWDAL Kulmiye u nodotay iyo guulaha is dabajooga ah.
Axmed Silaany;
Guushaba dhacday soodhawaynta saaxil ee hiilka ahayd macno ma samaynayso ee Garabkii Jamaal  ee 25 xubnood ahaa isaga iyo laba xubnood baa xisbiga ku soo biiray 23 kii xubnood oo kalena waddani bay galeen adeer guusha aad sheegayso maxay tahay, mujaahid Degowayne sowka raggii Burco kala hilaacay ,
AWDAL iy Boorame Ninmankii MAKAAHIL DHEERE (Jibriil yoonis, Adan yoonis, Cali yoonis iyo Nuur yoonis) ma haysaa, MAXAMED CASE  nimankii Ba habar Muuse iyo suldaankood Abshir mee, HABAR CARFAAN nimankii Muuse fiin iyo xeebjire sowkuwa Geedoole la fadhiyay adeer ururiskii aynu xaflada u qabanay inaga socon maayso ee muusow xal kale keen, ta kale maanta ayaad gobolkii AWDAL ee walaalaha colaad cusub oo khatarah dhex dhigtay colaadda qodaalku ma dhamaato ee la arki doona.
Waddani wuxuu soo bandhigaa Taageerayaal siyaasiyn la wada garanayo hogaaminayaan sida ISBAHAYSIGII, SIYAASIYNTII BUUBA HOGAAMINAY IYO REER AXMED DHAGAX, ee bal Muusow xabad xabadan cadaysimaha ah iyo ururiskan iga daayo ee bal ii sheeg siyaasiyn macruuf ah oo xisbiga ku soo biiray, dalka dollar kii yara ee yaalay dhamaynay oo sicir barar gelinayee maxaad haysaa.
Muse Bixii;
Mudane madaxwayne AWDAL, GABILAY, MAROODI JEEX, SAAXIL, IYO GALBEEDKA BURCO,waa kulmiye madaxtinimada Musena way taageersanyihiin, miyaanad arag boodhadhka waa wayn ee sawirkaygu ku xardhanyahay ee jiidadka iyo miyagaba ku dhegsan, miyaanad dhegaysan heesaha ciidda ka badan ee la ii tiriyay ee basaaska, dukaanad, gaadiidka kale duun ka baxaya ee la leeyahay MUUSOW INA BIIXIYOW SAMIR IYO DULQAAD OGOW, dalku iyo dadku waa kulmiye anigana way i taageersanyihiin ee xaggii beeshadii ka waran ma inankii yara ee XIRSI baa dareersaday.
Mundane madaxwayne intaad anima iyo Xisbiga dhaliilayso Away dawladdaadii dadka iyo dalka loo dhaariyay sawkan waddani dalkii dawladnimadiisi la wareegay ee ay bilaabeen diblamaasiyadda cusub, AAWAY DAWLADDII HARGAYSA AAWAY DAWLADDII HARGAYSA, TOLAY AXMEDOW DHANKAAD IGA XIGTAA BAY DHAXANTU IGA HAYSAA.
Axmed Silaanyo;
Waar bal dalcaban iyo nasledan eega, adeer maanigii roonaa bay i rogtay, adeer bariga Burco uun ma ahee Somalilaand oo dhan baa ku liqi la oo aannu khasab iyo duc duc ku wadnaa inay aqbalaan musharaxnimadaada, dawladayddina siday u dhamayd sowtan adiga kugumashquulsan ee aanad geedka gaadhaynin haddii aannaan gacanta ku qaban, adeer xitaa dalkii sicir barar baanu gelinay adiga awgaa oo markii intii yarad ee dollar ahayd ee dalka taalay adiga lagu daba qaaday wakaa dollar kii circa isku shareeray ee islaamihi iyo caruurtiba qalinayaan.
Muse Bixii;
Mudane madaxwayne waxaad ka warantaa shirkan Burco ee ceebta badani ka dhacday ee aad fadhiday?
Axmed Silaanyo;
Shirkee adeer laxdaan ka xogg laahayee ma habeenkii aanu hudheelka Balaasa ee Burco u casho tegay baa shir jiray dadkaan ka maqlayayee
Muse Bixii;
Mudane madaxwayne miyaanay aheen inaynuka wadda tashano markay kala shaandhayni jirto sidii tii habeenkii dhawayto ee aan ciddii igla tashanin.
Axmed Silaanay;
Kala shaandhayntii ma cidaan aniga ahayn baa wax kala shaandhaysa ama isku shaandhaysa adeer horaan u sheegay oo aan idhi meeshan Rooxaan ba habeenki ku shaqaysata oo wax kala hufta kalana haadisa, ilayn waa waxaan u waayay wasiir kii Biyaha ee BAASHE Cali Jaamac beryahaas ma aragee.
Muse Bixii;
Ma anigii baad isha isugu kay qabatay ma waxaa la gaadhay sacadihii la odhan jiray odaygu waxba ma kale oga ee adna aad is nasaqi jirtay, madaxwayne taasi kaa socon maysow. horta waxaan ku waydiiyay miyaanad lahayn LA TALIYE.
Axmed Silaanyo;
Adeer arimahayga iyo dawladayda ka bax oo dhanahaag qabso, waxaan leeyahay 28 la taliya iminkana waxaan magacaabayaa.
1. La taliyaha A baarta
2. La taliyaha Roob doonta
3. La taliyaha isku shaandhaynta iyo kala shaandhaynta
4. La taliyaha kal hufka iyo kala haadinta
5. La taliyaha xagga Muse Bixi.
Muse Bixii;
Mudane la taliyayaashadu fara badanaa waa halkii ninkiiye AQALKAYGU WAA WADDA UL OO UL LA QAATONA MA LEEH.
Axmed Silaanyo;
Adeer waxaanad u odhan faro badana mar kasta oo aad madaxtooyadda soo gashidba 8 baad wadda  oo xil doonahe xaggee xilal looga helayaa haddii aan meelaha lagu gufaynin, haddii lagu yidhaado waxba lama hayona sow SHAANIDI soo noqon mayso qarankuna khatar gelimaayo.
Madaxwaynaha dhaartu u dhimantahy ee Mudane MUSE BIXII wuxuu doooddii ku soo geba gebeeyay gabaygan.
BAADIDDA RUX BAA KULA DAYDAYI DAALANA KA BADIN, HADDANA DOONAYN INAAD HELIN DAAYN ABIDKAA, DADKUNA MOODAYO DUUL WADDA DHASHAY AAN WAX U DAHSOONAYNE.
Doodani wax ka tarjumaysaa wadciga dalkeenu ku jiro iyo waxyaalaha dhacay. 
ALLA MAHAD LEH
LA SOCO QAYBAHA DANBE EE DOODAHAN TAXAN AH.
Waddaniga dhabta ah
Faisal farfidiye
We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree