^^^XOGTA-DAHSOON^^^

Monday, 26 December 2016 04:14

Somaliland Midaysan sidee lagu heli karaa? By khaalid foodhaadhi

Iyadoo ay muhiim tahay midaynta dhammaan ummada soomaaliyeed iyo in dib loo yagleelo Jamhuurayaddii Soomaaliya ayaa haddana si yoolkaas loogu guulaysto ay lama dhaafaan tahay in Waqooyiga soomaaliya “Soomaliland” la mideeyo lagana shaqeeyo isku soo dhawaan shahooda. Maqaalkan ayaan rabaa inaan ku sheego dhawr arrimood oo anniga iila muuqda inay dhaawac ku yihiin isku dhowaanshaha iyo midnimo xooggan oo dhexmarta dadka reer waqooyiga ah.

Qodobka koowaad : dagaaladii ka dhacay guud ahaan dalka soomaaliya oo ay qayb ka ahaayeen kuwii ka dhacay waqooyiga dalku waxay si qabyaaladaysan u kala qaybiyeen ummada soomaaliyeed. Haddaan meel dhaw kaa hoga-tusaaleeyo dagaaladdii dhexmarayey jabhaddii SNM iyo Dowladii Mohamed Siyaad Barre Rabbi ha u naxariistii beelaha degan waqooyigu waa ku kala qaybsanayeen. Kala qaybsanaantoodu kuma salaysnayn feker iyo mabda’a laakiin waxay ku qotomeen qabyaalad.

Sidaa darteed ka sokow inay dagaalameen jabhaddii SNM iyo Dawladii milateriga ahayd waxaa kale oo dagaalamay qabiiladii deegaanka wada deganaa oo kala taageersanaa labada dhinac. Ha ma ogaan in labada qolaba isku arkayeen mujaahidiin xaq u leh inay is difaacaan oo ay wax iska dhiciyaan. Sidaa awgeed ayeey lama huraan tahay in maskaxda lagu hayo in colaad sokeeye la soo maray aynna waajib tahay in laga fekero habka ugu habboon ee looga gudbi karo qabyaaladana loo tirtiri karo.

Qodobka labaad: Adeegsiga weedha“ Mujaahid ” waxay caqabad ku yihiin midnimo waarta oo la dhex dhigo dadka reer Soomaalilaan. Si loogu gudbo dowladnimo loo dhanyahay oo macne u samaysa dadka reer waqooyiga ayeey daruuri tahay in laga hortago lana joogiyo wax kasta oo arrintaas caqabad ku noqon kara. Haddii hoggaamiyayaashii SNM iyo maleeshiyoodkoodii isku arkaan “Mujaahidiin” beelaha deggan waqooyiga ee la safnaa Dowladii kacaanku ma waxay noqonayaan “ Gaaladdii lagu jihaadayey”. dagaalkiise lala galay Dowladii Soomaaliya horta jihaad ma lagu tilmaami karaa ? suuragalse ma tahay in labadii dhinac ee iska soo horjeeday ay dowlad wada dhisteen ama ay wax wada yeeshaan iyadoo mid mujaahid sheeganayo kii kalena yahay gaalkii lagu jihaaday ? akhristoow adigaan jawaabta kuu dhaafay.

Qodobka seddexaad: xuska maalinta 18 May ayaa iyana ah wax yaalaha hortaagan dadka reer waqooyiga ah inay maamul wada dhistaan. Sababta oo ah maaha maalin ay ku midaysan yihiin dadka reer Soomaalilaan. Gobolada waqooyi waxay xornimadooda ka qaadeen Ingiriiska 26-june-1960kii mana jirto maalin kaga habboon xuska maalinta qaranka. Sidaa awgeed ayeey lagama maarmaan tahay in xuska madaxbannaanida loo raro 26 june lagana guuro 18may.

Qodobka Afraad : waxaan ku talin lahaa in la joojiyo waxa loogu yeedho “ Maalinta “shuhudada SNM” ee Hargeysa laga xuso sannad walba 17-octoobar. Maxaa yeelay waa in aan xusuusnaa in Jabhada SNM aanay ahayn jabhad wada metalysey dadka soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolada waqooyi ee dalka. Sidoo kale waa in maskaxda ku haynaa in haddii SNM dad ay ula muuqatay xaq u dirir inay jiraan dadyow kale oo u arka qaran dumis. Si hadaba loo daweeyo faraqaas waxay iila muuqataa in xusaska dharaaraha noocan ah meesha laga saaro.

Sidaas oo kale ayaan qabaa in iyadna meesha laga saaro taallada diyaarada la dulsaaray ee bartamaha Hargeysa laga taagay. Waxaan rumaysnahay taalladaasi ay sii kordhinaysa cuqdada iyo cadaawada ay isku qabaan dadka reer waqooyiga iyo guud ahaan dadka soomaaliyeed. Waxaan is leeyahay waxay xanuun aan laga bogsoon ku beeray caruurta dhallan doonta iyo dhallinyarada koraysa. Arrintaasina ma keenayso horrumar ee waxay horseedaysaa nacayb iyo colaad weligeed taagnaato oo aan laga geeyoon. Sidaa awgeed ayaan ku tallin lahaa in la dumiyo oo meesha laga saaro.

Fiir gaar ah: Tani waa aragtidayga gaar ah iyo sida xalka iila muuqda, waxaan soo dhawaynayaa wixii aragti iyo feker laga dhiibto.

W.Q: Siciid Cabdi Xasan
Ceerigaabo, Sanaag, Soomalilaand

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree