^^^XOGTA-DAHSOON^^^

Friday, 30 December 2016 13:48

Farriin ku socota xisbiyada qaranka Dr. Maxamed-Rashiid Sheekh Xasan

Maalmahan waxa xoogaystay dagaalka afka ah ee ay xisbiyadu isku

qaadayaan iyo borobagaandhada siyaasiga ah ee la isku marinayo

warbaahintaee la socota xummadda doorashada.

 

Maxamed Rashiid Xilligan oo doorashadii  madaxtooyadu kaabiga innagu soo hayso maaha wax lala yaabo in

madaxda qaar ay ka soo yeedhaan hadallo xanaf leh oo dadka qaybin

kara. Xisbiyadeenu maanta way ka siman yihiin hadalladaa aan ka fiirsiga

lahayn laakiin qaarkood ayaa u eg in ay ku talax tagayaan. Gaar ahaan

maan jeclaysan in xisbiga Waddani madaxdiisu ay marar dhawr ah

shacbiga xasuusiyaan dagaalkii sokeeye.

Waxan jecelahay in aan xisbiyada xasuusiyo in fursadda ay maanta ku

tartamayaan ay ku heleen nabadda iyo horumarka ka jira Somaliland

sidaas daraadeed aan looga fadhiyin in ay dadka ugu abaal gudaan ereyo

nabadda dhaawacaya. Tartanka quruxdiisu waxay ku jirtaa in xisbi waliba

barnaamijkiisa soo bandhigo, dadkana tuso sida uu uga maamul fiicnaan

karo xisbiyada kale.

Dalkeenu maanta wuxu u baahan yahay in la sii adkeeyo oo laga jiro wax

kasta oo ku keeni kara in uu xagal daaco. Nabadda iyo wanaagga

Somaliland ka jira kuma iman dhayal. Dad badan ayaa naftoodii iyo

maalkoodii ku waayey, carruuro badanina way ku agoontoobeen. Dedaal

hore ayaynu maanta midhihiisii guranaynaa dusheenana waxa ka

babanaya calan tawxiidku ku qoran yahay.

2.Waxaynu nahay qaran adduunka tusay kartidiisa iyo isku-filnaanshihiisa,

qaran shaqo badan qabsaday iyadoo aan cidina wax la qaban. Diyaar

baynu u nahay qabyooyinka inoo dhiman in aan waxqabadkooda sii

wadno. Qabyooyinkaa waxa ugu weyn in aynu helno aqoonsi. Sidaan

dhowr jeer ku qoray maqaallo hore, marka aynu dhexdeena is ictiraafno ee

aynu noqono ummad dawladnimo u diyaar ah aqoonsiga caalamiga ah ee

aynu u qalanno waynu helaynaa. Waxaynu u baahan nahay in aynu sii

wadno dedaalka, wadajirka iyo danta guudna oo aynu u midowno.

Siyaasaddu maaha in xisbi waliba dantiisa gaar u jirto danta guudna

daaqadda ka tuuro.

Saxaafadda Somaliland oo aan ogahay in ay duruufo adag ku shaqeeyaan

waxan u soo jeedin lahaa in ay qayb ka noqdaan quruxda tartanka. Muddo

35 sanno ah ayaan suxufi soo ahaa. Umaan dhaqmi jirin sida ay naftaydu

jeceshahay, waxanse u dhaqmayey sida ay suxufi ahaan ummaddu iga

filanayso. Cidda aad taageersan tahay niyaddaada ku hayso. Laakiin ilaali

shuruucda saxaafadda oo dhexdhexaadnimada iyo run-sheeggu ugu

horrayso.

Ugu dambayn waxan Ilaahay ka baryayaa in uu abaaraha innaga soo furto,

intii ka qayb gashay gurmadka abaaraha, hadday shacbi tahay iyo hadday

xukuumad tahay, ammaan iyo mahadnaqba waan u jeedinayaa.

 

DR Maxmad Rashiid Sh Xasan

 
 
 
 
We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree