^^^XOGTA-DAHSOON^^^

Tuesday, 10 January 2017 04:30

Sir culus - Qorsheyaasha is-jiidhsan iyo Danaha is-hirdiyaya ee ku jihaysan JSL iyo Ruushka oo Ictiraaf ugu baaqay Somaliland laakiin Xukuumadu ka biyo diiday.

Waxaynu ka wada dheregsanahay in inyar shacabka Somaliland ay helaan biyo nadiif ah oo joogto ah., Shacabka  Malyuunka kor u dhaafay ee caasimadda Hargeysa ku nool ayaan iyana helin biyo qasabadeed joogto ah. Dhinaca miyiga reer-guuraagu weli sidii awowyaashood ayaa abaaraha iyo biyo-la’aantu u haysataa. Waxay Xukuumadda Siilaanyo ku fashilantay in ay hirgeliso biyo-gelin buuxda oo ay Caasimadda Hargeysa ku sameyso si  ay ugu yaraan 40% Shacabka caasimadu uhelaan biyo qasabadeed nadiif ah oo joogta ah. In kasta oo lacag Malaayiin dollar ah lagu raamsaday balaadhinta biyo gelinta Caasimada Hargeisa hadana sanqadha iyo qarjam-qarjamtii raamsiga lacagtan badani  sifeyaashii ay ku baxday ilaa hada waa lagu dabo jiraa. Arintaasina  waxay fashilisay oo fadeexad qaawan ku noqotay  Xukuumada Siilaanyo markii ay dib-u-habyn iyo tayeyn buuxda ku samayn weyday Wakaaladda Biyaha Hargeysa iyadoo ka  shidaal qaadanaysa oo la kaashanaysa waaya-aragnimada Caasimadaha mandaqada ee inagu xeeran..
 Boowe ! Bal hoos udhugo oo u fiirso lacagahan hoose ee Malaayiinka doolar ka ah ee loo qoondeeyey in lagu balaadhiyo laguna horumariyo Biyo gelinta Dalka gaar ahaan Caasimada Hargeisa oo iyada  ilaa iyo hada ay Biyo la'aan baahsani  ka jirto:
1- Dawlada Khaliijka (UAE) ayaa ku deeqday Caasimada Hargeisa lacag gaadhaysa $30 Million oo dollar
2- Midowga Yurub ( EU ) ayaa 2011-kii  ugu deeqay JSL $27.5 Million dollar si loogu balaadhiyo biyo gelinta 4 magaalo oo Caasimadu ku jirto
3-Midowga Yurub ( EU ) ayaa 2012 kii ku deeqay JSL $64 Million dollar si loogu horumariyo 9 mashruuc oo uu mashuuca ugu balaadhani uu ahaa $8.5 Million dollar oo loo qoondeeyey dib-uhabeynta  balaadhinta iyo horumarinta biyaha Caasimada Hargeisa
4- Waxaa iyana isla Sanadkaa Qorshe howleedkii higsiga qaranka ee 2012-2016  biyo balaadhinta dalka loogu qoondeeyey $28 Million oo dollar.
5- Dawlada Jarmalku waxay biyo fidinta Caasimada  Hargeisa ku deeqday lacag badan oo ah $ 23 Million oo dollar
6- Shirkada Coca Cola ayaa iyaduna waxay ku deeqday biyo balaadhinta  Caasimada Hargeisa lacag dhan $ 5 Million oo dollar
7- Baanka Aduunku wuxuu ku yaboohay kuna bixiyey biyo gelinta Caasimadda Hargeisa lacag dhan $ 6 Million dollar
8- Sanduuqa Horumarinta Somaliland ee SDF waxaa isna  Biyo fidinta Caasimadda Hargeisa loogu soo shubay $ 10.5 Million dollar
9- Mar sedexaad dhawaan hadana midowga yurub ( EU ) wuxuu ku yaboohay lacag dhan $15 Million in ay ku baxayso dhameys tirka mashruuca biyo gelinta Caasimada Hargeisa ee Jamhuuriyada Somaliland.
10- Hayada African Water  Facility  ayaa iyana Somaliland  dhawaan ugu deeqday  lacag dhan $11 million Dollar
11-  Hayada Care ayaa iyana Somaliland  dhawaan ugu deeqday lacag dhan $ 3 Million oo Dollar si loo qabto biyaha roobka ee badda gala
12- Hadana Dawalada khaliijka  (UAE ) ayaa JSL ugu yaboohday lacag dhan $20 Million  si 20 ceel oo dhaadheer loogu qodo.
Isku darka  lacagahaa  kor ku taxan ayaa isku noqonaysa Total:  $187.5 Million Dollar . lacagtan faraha badan ee loo qoondeeyey Qorshe Hawleedyada Higsiga Qaranka ee (2012-2016 ) ee mashaariicda dib u habeynta iyo  horumarinta fidinta biyaha dalka gaar ahaan Caasimada Hargeisa ayaa ilaa hada laga haraadan yahay. Waxaa guud ahaan shacabka reer Somaliland iyo fo'aan araga  reer Hargeisa isweydiinayaan meesha ay martay lacagtaasi, sifaha ay ku baxday iyo inta ceel biyood ee lagu qoday lacagtaa tirade badan ee Malaayinka Dollar ka kor u dhaaftay ee Aduunku inoogu deeqay.
Anigu Daaha kama rogine ee dadkuna wuu arkaayaa!!
Alleh ayaa Mahada Leh,
Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs)
Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq,
Qalinkii :A/rahman fidhinle
Qoraa Madax banaan
Intensive ED BD BA
United Kingdom
London
We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree