Masjidka Saylac waxa la disay waqtigii Hijrada oo ku beegan qarnigii 7 ee miilaadiga.Masjidka Qiblatayn ee Madiina ku yaal waa masjid quluubta Muslmiinta ku fog oo waa masjidkii iyadoo salaadii casar lagu jiro Muslimiintii tukanaysay ka war heleen in Muslimiinta lagu waajibyay in ay u tukadaan xaga Makka Almukarama markiibana Imaamkii salaadii lagu jiray u jeediyay Makka Almukarama.Sidaa awgeed ayuu Masjid Qiblatayn ka Madiina ku yaal uuga magac deeraaday kuwii kale.
Marka ay haboontahay in taariikh dib loo eego ama la saxo waxa haboon in la sameeyo diraasad qoto deer oo ku salaysan macluumaad la isku waafaqay.Tassi kama muuqato qoraalka Khadar ee gundigiisu yahay arrin yacyacood ah oo xaqiiqada ka fog.
Qoraagu wuxuu ku dooday uu yidi Alqudus iyo Makka Almukarama waxay labaduba ka xigaan Saylac woqooyi.Sidaa awgeed jihada salaada looga tukan karaa Saylac waa isku mid oo masjidka la yidi laba Qibladood buu leeyahay ee Saylac ku yaala waa been la abuuray.Macna kale oo qoraagu ku dafiri karo ama isku diidsiin karo in masjid laba Qibladood lihi Saylac ku yaal ma jro.
Tilmaamta aw yidi Alqudus iyo Makka Almukarama woqooyi bay labaduba ka xigaan Saylac waa tilmaamtii baadiyaha ee maha tilmaam cilmiyaysan.Marka Qiblad masjid la samaynayo waxa loo dhigaa jihada sax ah oo waafaqsan Joqraafiga (geography). Markaan eegno jihada saxa ah ee Alqudus iyo Makka Almukarama looga tukan karo Saylac way kala duwan yihiin sida hoos ku cad:
Moowqica Makka Almukarama : 21.3891N 39.8579E
Moowqica Alqudus : 31.7683N 35.2137E
-----------------------------------------------------------------------------------
Farqiga jihada u daxaysaa waa : --- 4.6442E
Taasi waxay cadaynaysaa in Makka Almukarama ay ka xigto bari Alqudus marka Saylac la joogo.
Qoraaga waxaan ku la talinaayaa in u Saylac tago oo indhihiisa ku soo arko masjidka iyo taariikhda qadiimga ah ee Saylac. Waxaan kaloon u sheegayaa qoraaga waa sidu hadalka aw u dhigaye, been la abuuraa lana fakiyaa oo la firidiyaa ma dabooli karto ama ma badali karto taariikhda qadiimga ah ee Saylac.
Ahmed jama
tel: 647-994-5206
Canada-Toronto