Friday, 12 May 2017 12:26

WADALAHAASHIHII SOMALILAND OO MARBA MARKA DAMBEYSA KUSII SIQEYA QABIIL QUDHA KADIB MDW SILAANYO MARKII MAANTA UU LA KULMAY DP WORLD ISAGOO WATA WAFTI REERKIISA OO QUDHA AH.MAXAMED JEEX

Waxa ah wax foolxum ama laga yaakhyakhsoodo in reer qudhihi kaligii ruyoodo oo uuyidhaahdo cidna u jojin mayno oo uu diido talooyin dhawrkii sano ee la soo dhaafay ay siinayeen dad wax garad, aqoonyahano ama profeseero ahi oo uu ka mid ahaa pr. samatar. Taas oo ahayd in isaaqu ogolado ama qasab ku aqbalo in somaliland lawadda leeyahay loona baahanyahay in aduunyada lawada tuso wadda lahaanshaha waddankan oo cidwalba oo somaliland dagan laga qayb gasho horumarka waddankan, haddii kale dee aduunyadu ma idhala ee reeraha kalena ma afduubna ee way hadalayaa noqona mayaan kuwo sacabka u tumo hal reer. 
Waxa aan maanta u jeeday madaxweyne siiraanyo oo furaayey berbera DP WORLD oo kaliya ay ka agmuuqdaan  reerkiisa oo qudha.wakhtigii rayaale halmarna ma ay dhicin in sadex reerkiisa ahi racaan iskaba daa in ay intu reer noqotee.markaa waxa aan leenahay waano dhalanbaa ka horeeyay.
Waxaa ceeb ku ah qarankan JSL in mar walba afar isku reer ahi ay isku raacaan wafti ama ha,ahaado mid gudaha ah ama ahaado mid dibada taasina waa mida wadankan JSL baabiineysa waxayna sharaf dhac ku tahay dalkeena SL.
HADABA waxaan leeyahay reerkan u haysta iney sidaas ku noqonayaa dawlad walee dawaladi iniga fog.waxana dawladan tariikhda ugalaysa dawladii qabyaaladda & reereysiga ,sidaasna qaran laguma noqdo.
Aduunyada dhamaanteed wey aragtaa in meel walba ay isdaba yaacayaan afar isku reer ah oo aan is aqli dhaamin waxaana JSL reer cadhooday oo cadho kumaqan laakiin maaha dad dawladnimo donaaya taasna waxaa markhaati ka ah sida reer isdabayaac ay u dhaqmayaan.
GUNTII &  GABAGABADII DAWLADA SILAANYO rajo kama sugeyno iney wax ka badasho arimahan aan kor ku xusney oo dhan. LAAKIIN WAXAAN ku la talinayaa DAWLADA KULMIYE EE SOO SOCOTA iney ka baydho dariiqa silaanyo ee qabiileysan .
Allaa mahad leh
By maxamed jeex
Brussels Belgium.
We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree