Wednesday, 28 June 2017 01:51

Maxay BBC-da Af Somaaliga u Qarisay Dareenka Xuska 26-ka June ee Goballada Awdal, Sool iyo Sanaag Bari?

Waxaa dad badan oo Somaaliya ka yaabisay sida maanta oo ah 26-ka 2017 ay BC-da af

Somaaliga u qarisay dareenka xuska maalintaa ee shacabka deggen goballada waqooyi.

 

 

Haddii aan dib u yara eegno taariikhdii halgankii xornimada ee gobolladaas waxay bilaabatay muddo

aan ka yarayn boqol sano iyo dheeraad. Wakhtigaa dheer, waxaa isbed-bedalay ururo iyo shacab

naf iyo maalba ku bixiyey sidii la isaga tuuri lahaa heeryadii gumeystaha. Waxaa ururada ka mid

ahaa xisbigii USP oo ay ku midoobeeen bulshada deggen goballada Awdal, Sool iyo Sannag Bari.

Waxaa kaloo ka mid ahaa xisbigii SNL oo awood badn ku lahaa gobollada Togdheer iyo Waqooyi

Galbeed. Ku dhawaad 30 sano xornimadii ka dib,waxaa dhidibada loo taaagay ururkii SNM oo

taageero ka haysta Hal beel oo ku kacday dawladdii kacaanka ee dalka ka talinaysay. Ururka

SNM ayaa markii danbe ku dhawaaqay in waqooyi ka go’ay Soomaali inteedi kale lana magac

baxay Somaliland. Waxaa arrintaa mid ka duwan qaba beelaha kale ee ku nool waqooyi oo

aaminsan in midnimada Somaliya tahay lama taabtaan.

Intii muddo ahba waxaa daka u ololeeya gooni isu taaga Somaliland faafinayeen tariikh cusub oo

ka bilaabtay markii la unkay ururka SNM. Waxay dadkasi u xusul duubeen in aan la soo hadal

qaadin halgankii dheera ee dalka looga saaray gumeystihii iyo taariikhda guunka ee ay leeyihiin

beelaha aan ku abtirsan SNM. Waxaa arrinta in muddo ahba waday saxaafadda gudaha

Hargaysa oo ugu horeeyoTelevision-ka Horn cable.

Haddaba waxaa yaab lahayd in weriyihii BBC-da ee Hargaysa uu soo gudbiyay fikradda ay ka

aaminsan yihiin reer Hargaysa xuska 26-ka June , isagoo aan waxba ka soo qaadin dareenka

dadka badan ee ku nool gobollada Awdal, Sool iyo Sanaag bari ee iyagu u arka maalintaas mid

qaran oo qadarin iyo maamuus mudan. Waxay u egtahy In weriye Cige oo ah ruug caddaa xagga

saxaafada Soomaalida , fahansan muhimadda dheeli tirka waraka, taxadar badan , uu iminka ku

milmay fikradaha mamulka Hargaysa ama uu ka baqay in laga daba qaato haddii uu soo hadal

qaado dareenka ay qabaan beelaha degan Somaliland aan SNM-ta ahayn. Waxaa xusid mudan in

VOA-da Af Somaaligga ay isla maalintaa baahisay barnaamij dheer oo ka hadlaya Munasabadda

malintaa Xoriyadda. Waxay dadka xusuusisay murtidii Cabdullah Suldaan Timo-cadde uu ka

tiriyey habeenkii calan saarka ee “Kaana Siib Kanna Saar.”

Gebo gebadii balk ka warama maxaa dhici lahaa haddii BBC ay tabiso barnaamij ay daka reer

Boorama ama reeer Lascanood ku cabirayaan aragtidooda 26ka June iyo midnimada Somaliya.

waxy ila tahay in qaylo dhaan iyo cabashooyin aan kala go’ lahay ay buuxin lahaayeen email-lada

madaxa qaybta af-Somaaliga ee BBC. Haddaba waxay ila tahay in ciddii ay la weyn tahy

maalintaa xushmada mudan in ugu yaraan ay BBC- af Somaliga ka codsato in raali gelin laga

bixiyo warkaas lagu inkiray jiritaan dadka aan ku qanacsanayn fikradaha maamulka Hargaysa ee

26 June. Sidoo kale ayan dib u dhicin warar dhinac ka rarn laga faafiyo degaankaas iyadoo la

isticmaalayo idaacadda BBC.

Yusuf A. Geele

 

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree