Friday, 12 August 2016 03:13

Waa Maxay Sabaabta Uu Wada Hadal U Dhex-Maray Khaatumo Iyo Soomaliland Wakhti Xaadirkan +Maxaase Lagga Rajaynayaan Inuu Wadda Hadalkani Ku Dhamaado Hadda

Waxaa Mahadnaq-Iyo ugaaryeelid mudan Eebeheen ,sareeye,ee inoo suurta geliyaay inaan Awood ,Karti,Wakhti u helno Qoraalkan ,oo hadaan alle saamixin,Inana siin Caqli,garsheed aynaan waxba Qori karneen,waxa Akhriyikarneen,Marlabaadkana waxaa ,Aaman ,Mudan Akhristayaasha ,Gaar ahaan Kuwa Qaderiya ,Maamusa,Ildheer ule Qaraaladaydan Taxanahaa.

Qoraaladda oo aynu bulshadeenna kula wadaagayno Talo Tusaale Taakulayn iyo Taban Taabo Wixii aynu ku dhaano ama aynu bah wadaag la doonayno.

Intaa ka Dib  waxaynu si Tolmoon u eegaynaa afkaarta Siyaasadeed ee xiligan Keliftay inay wadda Hadlaan Khaatumo iyo Soomalilnd .

Xaqiiqdii waxynu ka wadda dhergsanahay Go,aanka Mabdaeed ee ay kala Taagnaayeen Xagga Siyaasadda Khaatumo iyo Soomaliland iyo sidda Bisaylka siyaasadeed ka muuqdee ee manta laysugu soo Habar wacday Maamul ahaan ,Cuqaal ahaan ,Saladiin ahaan ,iyo Siyaasiyiin ahaan ,taas oo aynu odhankarno waxay qolo waliba doonaysaa Qorshe iyo Nidaam gaara oo ay Doonayaan inay Fursadan kagga faa,idaystaan.

Oo Garabkastaa isleeyahay ka faa idayso Wakhti iyo Waayahan Taagan aaynu ku Horayno Xagga Khaatumo iyo Waxa-yaalaha ku Kelifay wadda Hadalka Xiligan:

(1)-Khaatumo Waxaa Xumaaday Xidhiidhkii  ay la lahayad –Dawaladda Soomalia.

Xidhiidhkaas oo Beriyihii u danbeeyaay Noqday mid ay sii go,ayso Rajadiisii,isla markaana laba aasay Calool Fayoobaantii.

(2) Meesha kaliya ee ay Soomaliya iyo Putland Lagu Xanuujinkarro oo aha in Wadda hadal Lala Furro Soomaliland Ha Guulaysto Aama Yaanu Midha ,dhaline.

(3)Beel weynta Dhul Bahante oo u Aragtay In sanadkani yahay Sanadkii Wadda jirka iyo Midnimadda dhulbahante inay meel uun waxa ka wadda Goostaan ,Soomalilana ay tahay Xagga kaliya ee ay Muuqaal Xubnood ka yeelankaran.

Xaqiiqdii kuwaasi waa Qodobo ka mida laakiin waxaa jira Qorshayaal kale oo Dhadhan iyo Macno badan intaas ayaaynu laakiin ka gaadhnay.

Xagga Soomaliland iyo Qodobaday Dood Bidayso:

(A)                       In Xukuumadda U Hogaamiye Oday Siilanyo ay Diwaanka Soo gacan gelinta Goboladda Barri ku soo Gaba  gabayso intay Doorasho dhicin.

(B)In Faan iyo ku Xaradhka Buuga Sanadka 2016 ay u Adeegsato Gunaanadka Khatar badan oo kaga imanaysay Xagga Khaatumo iyo Deegaano Sool iyo Buuhoodlaa.

(C)                       Inay Soomalia ,Putland tusto inay Bulshadda Deegankaasi ay Yihiin Muwaadinin Somaliland oo aanay ku daalin .

(D)                       Inay hesho Gamco badan oo Gulufka u Daruuro Cidna Siyaasad ahaan diidan .

Xaqiiqdii Hubaleed ka go,yoon mayno damciga ay wadda gaadayaan  laakin waxaan odhankarnaa hadii arinkaa wadda hadalka loo badiyo inay galaan Odayaal dhaqan waxaan odhankarnaa waalagu galaysnkaraa 80% hadii kale waxaa lagu galaysanayaa uun 40% .

Manta Halkaa haynoogu joogto Laakin Lasoco Xoggo Dhaba oo badan Qoraalka Danbe iinsha –allah.

Fallan qeeye :Mukhtaar Mahamed Jama X.Diiriye(M.Nadaara)

Burao/Somaliland Mobil:0634431347

Email:Mukhtaar This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree