LOGO3ABDUU

Wednesday, 11 October 2017 09:50

Kenya Oo Sheegtay In Shabaab Looga Adkaaday Lamu Iyo Boni Oo Ahaa Deegaano Ay Al-Shabaab Ku Xooganaayeen

11/10/2017 (BNN) Kenya oo sheegtay in Shabaab looga adkaaday Lamu iyo Boni Oo Ahaa Deegaano Ay Al-Shabaabku Ku Xooganaayeen

 

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Kenya ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in Al-Shabaab ay faarujiyaan Guud ahaan Lamu iyo Boni oo ah meelaha ku xoogan yihiin Dagaalamayaasha Al-Shabaab.
Warbaahinta kenya oo soo xiganeyso Agaasimaha howlgalka xoreynta Boni ee Kenya Joseph Kanyiri,ayaa sheegay in 5; ka mid ah Al-shabaab ay dileen islamarkaana ka furteen 6 Qori oo AK47 ah,321 xabbo oo Rasaas ah,Saddex Garneyl iyo Waxyaabaha qarxa.
Howlgalka Ciidamada Kenya ayaa jirsaday lix sano Bishan ayuuna gaarayaa sanadkii lixaad,Al-shabaab waxaa ay wali ka dagaallamayaan gudaha Kenya waliba si ka xoog badan sidii howlgalka Al-shabaab ee gudaha Kenya uu ahaa ka hor 2011kii.
Joseph Kanyiri,waxaa uu sheegay in Ciidamada KDF ay sameyaan howlgal joogto ah joogitaankooda degaankaasna uu aad u badanyahay islamarkaana ay helaan xogta Ragga ka tirsan Al-shabaab.
Al-Shabaab mudada ay halkaasi ku sugnaayeen waxay dileen Muwaadiniin badan oo kenyan ah waxaana ay saameeyeen dhamaan Dahqaalihii kenya ka soo gali jiray magaalada Lamu ee Dalkaasi.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree