Wednesday, 11 October 2017 15:14

Ugu Yaraan 5 Qof oo Ku dhimatay Qarax Ka Dhashay Gaadhi Laga Soo Buuxshay Waxyaalaha Qarxa Oo Ka Dhacay Baladwayn

11/10/2017 (BNN) Ugu Yaraan 5 Qof oo Ku dhimatay Qarax Ka Dhashay Gaadhi Laga Soo Buuxshay Waxyaalaha Qarxa Oo Ka Dhacay Baladwayn

 

Wararka ka imaanaya Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in maleeshiyaad katirsan Shabaab uu la qarxay gari ay saar naayeen kaasi oo marayay meel u dhow magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Ilaa 5 qof ayaa la sheegay in ay ku dhinteen kadib markii gaari ay saarnaayeen maleeshiyada Shabaab uu kula qarxay deegaanka lagu magacaabo Luuq-Jeelow oo hostaga magaalada Baladweyne.

Goob Joogayaal ayaa warbaahinta dowladda Federaalka u sheegay in gaariga nuuciisu uu ahaa Noho islamarkaana laga soo buuxiyay Waxyaabaha Qarxa,taasi oo sababtay in ay ku dhintaan 5 kamid ah dhagar qabayashii gaarigaasi u rarnaa.

Deeganka Luuq Jeelow wuxuu u jiraa Baladweyne ilaa 12 KM Khayaastii,waxaana gaarigaasi la sheegay in uu ka yimid dhanka Deegaanka Buqqable , halkaasi oo la sheegyo inay ku xoog badan yihiin, kana soo duulaan maleeshiyada Shabaab.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree