LOGO3ABDUU

Thursday, 12 October 2017 16:16

DEG DEG:Khilaaf Halis Ku Ah Muuse Biixi Oo Ka Dhexqarxay Xisbiga Kulmiye Iscasilaada Xildhibaan Nacnac Oo Laga Waramay Iyo Cukuse Iyo Masuuliyiin Kale Oo Iyaguna...

12/10/2017 (BNN) War imika naga soo gaadhay guriga Madaxtooyada Somaliland ee Siilaanyo ayaa kawaramaya iscasilaada Xildhibaan Axmad Diiriye Nacnac oo saaxiib dhaw yihiin Qoyska Madaxtooyada Ee Siilaanyo.

cukuuss

Warkani ayaa sheegaya in Xildhibaan Nacnac uu yahay hordhicii masuuliyiin culuculus oo ka tirsan Dawlada Iyo Golayaasha ee Xisbiga Kulmiye oo goostay inay iscasilaan maalmahani kadib markii khilaaf  soo shaacbaxay ka dhexqarxay qoyska Siilaanyo Iyo Muuse Biixi oo ay isku diideen dhaqaale dhawaan laga soo qaaday dalka Emaratka Carabta.

Lacagtani oo uu Muuse Biixi qiyaastay qaybka mida ayaa keentay in loo diiday loona sheegay in Lacagtaasi lagu bixinayo mushaarka shaqaalaha laguna kabayo miisaaniyada dalka oo si wayn isku dhintay.

Muuse Biixi ayaa la sheegay in khilaafkaasi si wayn saamayn ugu yeelatay shalayna telefoonadii madaxtooyada laga qaban waayay,waanwaanina socoto,khilaafkani oo durbaba kawarheleen madaxda dawlada iyo Kulmiye ayaa haddana waxaa imika loo maaro laayahay dagaal afka ah oo dhexmaray Muuse Biixi,Cali Mareexaan oo dhinac ah iyo wasiir Cukuse oo maalmahani kadhextaagan tahay,kadib markii Wasiir Cukuse ka xanaaqay aflagaado badheedha oo Cali Mareexaan kula kacay Suldaanka Guud ee beelaha Isaaq Suldaan Maxamad Cabdulqaadir oo Cali Mareexaan Caayay.Taasi oo Muuse Biixi diiday in laga xaajoodo dhinaca saaray Cali Mareexaan.Waxaa imika soo baxday warar sheegaya in Cukuse,Xaglotoosiye Iyo Masuuliyiin kale ay sida tusbaxa uga soo dareeri doonaan xisbiga Muuse Biixi ee Kulmiye.

Warkani Oo Boramanews ka heshay ilo xog ogaala oo kusuga Madaxtooyada ayaa sheegaya in qayb ka mida Madaxtooyada Somaliland si toosa ula shaqayso xisbiga Wadani lana qorsheeyay hurimo iscasilaada oo dhawaan shacabka Somaliland madaxa ka qabsan doonaan.

Muuse Biixi oo ah masuul dulqaadkiisu yaryahay ayaa qayb ka mida beesha Habarjeclo oo ganacsato ahi saluugsan yihiin aaminsanayna inay kabadbaadayso xukunkiisa,waxaana qaybkale ku doodayaan inuu Muuse Biixi diiday inuu wareejiyo kursiga gudoomiye ee Xisbiga Kulmiye.

Khilaafkani kasoo cusboonaaday gudaha xisbiga Kulmiye iyo dhaqaale xumo lasheegayo iyo Musharax Muuse Biixi oo wada boog ahi waxay si fudud guul muhiima u gaadhsiinaysa Xisbiga Wadani oo awoodii dalku iskugu tagtay.

Khilaafkani iyo wixii kasoo kordha isha kuhay Boramanews.com 

Cabdiraxman X Xasan (Suul)

Boramanews/Hargeysa

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree