LOGO3ABDUU

Tuesday, 05 December 2017 22:26

Daawo Warmurtiyeed Laga Soo Saaray Shirkii Amniga Qaranka Ee Beesha Caalamka Iyo Dawlada Somaliya Kula Lafogureen Dhismaha Ciidamada Qaran+SAWIRO/VIDEO

05/12/2017 (BNN) Wajiga 2-aad ee shirkii London ee arrimaha Soomaaliya, islamarkaana madaxda Dowladda Fedraalka ah, kuwa Maamul goboleedyada dalka  iyo Beesha caalamka uga socda Magaaladda Muqdisho, ayaa maanta la soo gaba gabeeyey, iyaddoo la filayo in laga soo saaro war murtiyeed ku saabsan qodobadii looga hadlay shirkaasi.
Wajigii labaad ee Shirkaasi, ayaa waxaa maanta laga jeediyay khudbado kala duwan oo aad muhiim u ah, waxaana khudbadii ugu horeysay jeediyay Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdulaahi Farmaajo oo ka hadlay Hormaro badan oo dhinaca dhaqaalaha iyo amniga ah oo dowladda sanadkan ay ku talaabsatay, Federaalka, Qorshaha Doorashada 2020 iyo Xiriirka wanaagsan ee ka dhaxeeya Dowlada Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada hoostaga.
Sidoo kale Raiisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa qeybaha dambe ee shirkaasi guddoomiyey, isagoo ka hadlay arrimaha dib u eegista dastuurka iyo xoojinta  wadashaqeynta ka dhaxeysa Dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada.
Shirka,  ayaa warbixino ku saabsan qabsoomida doorasho qof iyo cod siddii dalka ay uga dhici laheyd  looga dhageystay Wasiiradda Dastuurka, Qorsheynta, arrimaha gudaha, Haweenka iyo Guddoomiyaha guddiga Madaxa banaan ee  doorashooyinka Qaranka, waxaana gabagabada shirka jaanis la siiyey beesha caalamka oo iyagguna ka hadlay aragtidooda.
Wasiirka Warfaafinta Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Cumar Yariisoow, ayaa Wariyeyaasha u sheegay in u jeedada shirkaan ay aheyd siddii loo dhaqan gelin lahaa qodobadii shirkii London ee arrimaha Soomaaliya looga hadlay, isagoo xusay in Wajigii labaad ee shirka London laga soo saaray Warmurtiyeed ka kooban 48 qodob, warbaahintana ay la wadaagi doonaan dhowaan.
 
Xafiiska Wararka BNN
Boramanews.com
shir 2
shir 3
shir 4

Media

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree