LOGO3ABDUU

Saturday, 09 December 2017 08:44

Dayaarad Siday Soomali Laga Soo Masaafuriyey Maraykanka Oo Cilad Farsamo Awgeed Dib Ugu Noqotay Maraykanka

09.12.2017. BNN. Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijisay in diyaarad siday ku dhawaad 92 qof oo Soomaali ah oo laga masaafuriyay dalka Mareykanka in diyaaradii siday ay cilad ku timid.

Dadkaan ayaa heysan Sharciga lagu jooggo dalka Mareykanka, waxaana dhawaan laga soo qabtay qaar ka mid ah gobolada dalka Mareykanka.

Diyaaradda siday dadkaan ayaa ka degtay Magaalada Deka ee Caasimadda dalka Senegal, waxaana intaasi kaddib ay dib ugu laabatay dalka Mareykanka.

Waaxda Socdaalka Mareykanka ayaa xaqiijisay in dadkaasi hadda lagu soo celiyay Mareykanka.

Waaxda ayaa sidoo kale sheegtay in diyaaradda siday dadkaasi ay cilado ku timid xilli ay hawadda ku jirtay , islamarkaana ay go’aansadeen in dadkaasi dib loogu soo celiyo Gudaha Mareykanka oo markii hore laga tarxiilay.

Cumar Jamaal oo ka mid ah Sharci-yaqaana Soomaalida ee ku nool Mareykanka ayaa  sheegay in arintaasi ay walwal ku abuurtay.

Tan iyo markii la doortay Madaxweyne Trump Boqolaal Soomaali ah oo Sharci daro ku jooggay dalka Mareykanka ayaa dib loogu soo celiyay Soomaaliya.

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree