borama 250x250

ABDUU

Friday, 12 January 2018 15:12

Wafti Balaadhan Oo Uu Hogaaminayo Madaxwayne Xaaf Oo Soo Gaadhay Magaalada Gaalkacyo Si Ay U Soo Dhaweeyaan Madaxwayne Farmaajo

12/1/2018 (BNN) Wafdi uu hogaaminayo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa Duhurnimadii Maanta Gaaray Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Xubnaha la socda Madaxweyne Xaaf waxaa kamid ah Xildhibaanada labada aqal ee kasoo jeeda Galmudug, Xildhibaanada Galmudug, Wasiiro iyo Saraakiil kale oo la socday.

Ujeedkooda Magaalada Gaalkacyo ay maanta u gaaray ayaa ah in ay soo dhaweeyaan Wafdiga Madaxweyne Farmaajo ee Magaaladaasi kusoo gaba-gabeynaya Safaradii Puntland, una bilaabanaya Socdaalka Galmudug.

Xubnaha uu Hogaaminaye Madaxweynaha Galmudug waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Gaalkacyo kusoo dhaweeyey Xubno isugu jiray Maamulka Gobolka Mudug, Kan Gaalkacyo iyo Saraakiisha Ciidamada halkaa ku sugan.

Madaxweyne Geelle ayaa guda galaya Abaabulidda qeybaha kala duwan ee Galmudug gaar ahaan Odoyaasha dhaqanka, Siyaasiyiinta iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada si ay ugu qeyb qaataan Soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo.

Dhinacyada la diyaarinayo waxaa la filayaa in ay kulamo la qaataan Madaxweynaha Soomaaliya si lamid ah Dhinacyadii uu kula kulmay Magaalooyinka Garoowe, Qardho iyo Boosaaso oo haatan uu ku sugan yahay.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree