ABDUU

Monday, 12 March 2018 09:21

Ruuska Oo Markii Ugu Horaysay Tijaabaiyay Gantaal Gantaalkii Ugu Waynaa Ee Ah Mid Qaadi Kara Madaxyada Nukliyeerka Ah Sheegayna In Lagu Guulaystay Tijaabadaasia

12/3/2018 (BNN) Dowladda Ruushka ayaa sheegtay in ay si guul ah u tijaabisay gantaal aad u weyn oo ah nooca xambaari kara hubka nuyuukleerka, ahna noociisa kii ugu horeeyay.

Bishii hore ayuu madaxweyne Putin balanqaaday samaynta iyo tijaabinta gantalaadan.

Muuqaal la baahiyay ayaa muujinaya gantaalkan oo laga ganayo diyaarad nooca dagaalka ah.

Gantaalkan waxa uu xawaarihiisa 10 jeer ka badanyahay kan jamaqda, wuxuuna gaari karaa masaafo dhan illaa 2,000 km.
Gantaalkan oo lagu magacaabo Kinxhal ayaa ah qalabka dagaalka ee ugu dambeeyay, islamarkaasna Ruushka aad ugu faanaan.

Madaxweynaha Ruushka Putin oo 1-dii bishan Marso akhrinayay khudbad uu dalkiisa u jeedinayay ayuu shiday muuqaal u muuqday in uu muujinayay gantaalo ku hoobanaya gobolka Florida ee dalka Maraykanka.

Wasaaradda arrimaha dibedda Maraykanka ayaa sheegtay in arrintaas aysan ahayn fal suurtogal ka ah dal xilkas ah oo beesha caalamka ka mid ah


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree