ABDUU

Monday, 12 March 2018 10:16

Dhacdo Naxdin Leh Gabadh Ku Jirta Udiyaar Garowga Arooskeeda Oo Lagu Gawracay Xaafad Ka Mid Ah Xaafadaha Magaalada Hargaysa Iyo Baadhitaano Ay Boolisku Wadaan

12/2/2018 (BNN) Ciidamada Booliska Somaliland ayaa baadhaya kiis dil ah oo shalay ka dhacay xaafada 150-ka ee magaalada Hargeysa , taas oo aheyd gabadh doonanayd oo diyaar garow ugu jirtay aqal galkeeda .

Wararka aanu helnay waxaa ay sheegayaan in dilkan loo qabtey oo lagu eedeyey wiil ay ehel yahiin
"Waxaan wax yar ka hor maqlay qeylo ka yeedhaysa xaafad iga soo hor jeeda , waan baxay si aan u ogaado waxa dhacay , gudaha ayaan guriga u galay , waxan la kulmay xaliimo oo aheyd inan maalin walba aanu is arragno mudo dheerna aanu jaar aheyn oo gawracan " sidaas waxaa xidhiidhka bulshada ee Facebook ku baahisay Hibo Cali Xaaji Raabi waxaana ay intaas ku dartey .
"Xaliimo waxaa ay aheyd aroosad lagu hawlanaa xeedhooyinkeeda shalay-na waxaa ay soo eegatey qalabkii gurigeeda ( Furniture ) " ayey tidhi hibo .
Xogaha La helay qaarkood waxaa ay sheegayaan in ciidamada amaanku ay ku guuleysteen inay qabteen eedeysanaha oo la sheegay in ay Inaabti yahiin .
Wax faah faahin ah lagama bixin dilkan sida uu u dhacay iyo sababta midna , gabadhan ayaa sida aanu hor u soo sheegnay u mehersaneed wiil kale oo la sheegay in isaga laftiisa ay Inaabti yahiin , kaas oo dalka dibadiisa ku maqan lana filaayey in uu dalka dhawaan imaado si uu u aroostogabadha u mehersaneed


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree