Tuesday, 13 March 2018 11:58

Akhriso Magacyada Xildhibaano Kasoo Jeeda Hargeysa Iyo Xubno Kale Oo Ka Tirsan Barlamanka Dalada Somaliya Oo Ku Fahilmay Inay Hakiyaan Mooshinkii DPWORLD Lagu Eryay

13/03/2018 /BNN/ Baarlamaanka Somaliya ayaa ku gacan seydhay soo jeedin ay soo
 gudbiyeen shalay qaar ka mid ah xildhibaanada dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland ee ka tirsan baarlamaanka Somaliya , kaas oo nuxurkiisu ahaa in ay baarlamaanku dib u dhigaan mooshin ay shalay ansixiyeen ee ka dhanka ahaa heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee dhexmay Somaliland , Dp World iyo dawlada Itoobiya .
13/03/2018 /BNN/ Xildhibaanada asal ahaan ka soo jeeda Somaliland oo ay weheliyaan xubno kale oo baarlamaankaas ka tirsan oo iyaguna u dhashay Somaliya ayaa waxaa ay dalbadeen in dib u dhigis lagu sameeyo , lagana saaro ajandaha baarlamaanka qaadiyada Dp World , si loo helo war sugan oo ku saabsan arintan, waxaana ay mooshinkan ku dalbadeen in laga war sugo dawlada Somaliya .
Hase yeeshee baarlamaanka Somaliya ayaan u jeedin saxiibadooda la mabda' ah balse u dhashay Somaliland
Xildhibaanada oo ay tiradoodu aheyd 11 ayaa waxaa ay magacyadoodu ahayn sidan
1. Maxamed Cumar Carte Qaalib
2. Cabdiraxmaan Ibbi
3. Axmed Maxamuud Sheekh ( Dhagaweyne )
4. Maxamed Ibraahim Cabdi (Diyeeshe )
5. Cali Maxamuud Muuse
6. Amina Cumar Jaamac
7. Huda Axmed Cali
8. Axmed Maxamed Jaamac
9. Faadumo Ismaciil Xussen
10. Aamina Sheekh Cismaan
11. Faadumo Xassan Cali
Source:- Geeska
We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree