ABDUU

Tuesday, 13 March 2018 13:21

Deg Deg:-Baarlamaanka Somaliland Oo Jawaab Kulul Ka Bixiyay Go'aankii Ay Shalay Baarlamaanka Dawlada Fadaraalka Somaliya Ku Laaleen Heshiiska Dp World Ee Barbara

13/3/2018 (BNN) Kulan ay maanta ku yeesheen Magaalada Hargeysa Golaha wakiillada ee  Somaliland ayey ku cambaareeyeen go’aankii shalay ka soo baxay Golaha shacabka Dowladda Federaalka ah ee Sharikadda DPWorld looga mamnuucay Dalka Soomaaliya oo dhan.

Go’aanka Golaha Wakiillada Somaliland ka soo saareen Heshiiska Berbera:
1.Golaha Wakiillada Somaliland ayaa cambaareeyay go’aanka uu shalay golaha shacabka ka soo saaray dekadda Berbera.
2.Golaha wakiillada Somaliland ayaa ayiday maalgeshiga kheyraadka dabiiciga ah iyo kaabayaasha dhaqaalaha si loo xaqiijo kobac dhaqaale
3.Golaha waxaa uu taageeray heshiiska heshiiska maalgeshiga Berbera.
4.Golaha waxaa uu go’aamiyay in cid walba oo ka qeyb qaadata ama taageerta ama si uun gacan siisa xukuumadda Soomaaliya dhaq-dhaqaayada lidka ku ah jiritaanka iyo madaxbannaanida Somaliland loo aqoonsado cadaw qaran
5.Golaha wuxuu ururka qaramada midoobey, midowga Afrika, Jaamacadda carabta, IGAD ka taageera horumarka iyo dimoqoraadiyadda u caddeynayaa in dhaq-dhaaqyada Soomaaliya ka waddo geeska Afrika kuwa keenni kara xasilooni darro .
6.Golaha waxaa uu ku baaqay dhammaan muwaadiniinta Somaliland inay si buuxda isu garabtaagaan golayaasha qaranka iyo ciidamada dalka ilaalinta madaxbannaanida, sharafta iyo midnimada dad ahaaneed iyo dhul ahaaneed ee  Somaliland.

 

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree