borama 250x250

ABDUU

Sunday, 15 April 2018 10:02

Kursiigii Ugu Dambeeyay Ee Ka Banaanaa Golaha Shacabka Ee Somaliya Oo Maanta Loogu Tartamayo Magaalada Dhuusomareeb Iyo Murashaxiinta U Tartamaya

15/4/2018 (BNN) Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda maamulka Galmudug ayaa lagu waddaa in maanta lagu qabto doorashadda Kursi ka banaan Golaha Shacabka.

Guddiga doorashooyinka ayaa shaaciyay in maanta la qaban doono kursigii uu ka geeriyooday allaha unaxariiste Bootaan Ciise Caalin.

Waxaa ku tartami doona Musharaxiinta kala ah Maxamed Cilmi Afrax ( mideeye) iyo musharax Cabdulahi Faarax wehliye.

Gudoomiyaha Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim Xaliimo Yareey ayaa faahfaahineysa Jadwalka maanta ee Doorashada.

Ammaanka xarunta ay ka dhaceyso doorashadda ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana dhammaan dhuusamareeb ku sugan Ergadii doorashadda.

Si Kastaba Waxaa hadii la soo doortay Xildhibaanka Buuxinaya Kursigan ay noqoneysaa in la soo dhameystiray ugu danbeyn Kuraastii ka banaaneyd Golaha Shacabka ee 4ta eheyd, kuwaas oo ay ku soo guuleysteen, Maxamuud Siraaye, Fatxi Siciid Xasan iyo Nuur Iiidoow Beyle.


Xafiiska Wararka BNN
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree