Sunday, 15 April 2018 12:18

Itoobiya Oo Farogalinteedii Dib Uga Bilowday Muqdisho Shariif Sakiin Oo Addisababa Looga Yeedhay Iyo Itoobiya Oo Raadinaysa Gudoomiye Barlamanka Oo Iyadu Wadato

ityuu

15/04/2018 (BNN) Hogaamiyaha Maamulka Koonfur galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maalinimadii Khamiista ahaa gaadhey magaalada Addis ababa ee dalka Itoobiya, iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in halkaas looga yeedhay.

Arimaha loogu yeedhey Shariif ayaa warar hoose oo aan helnay ay sheegayaan in laga hadli rabo arimaha ku saabsan doorashada Gudoonka baarlamaanka fedaraalka oo dhawaan kursiga uu iska casilay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Hardan adag ayaa u dhaxeeya kooxo iska soo horjeeda oo dano kala gaar ah kaleh dalka, waxaana loolanka ugu adag uu dhex mari doonaa kooxda Damu jadiid iyo Madaxtooyada oo ay fadhiyaan Madaxweyne Farmaajo iyo Xasan Cali Khayre.

Dowladda Itoobiya oo xidhiidh aan wanaagsaneyn uu kala dhaxeeyo Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dooneysa in door wanaagsan ay ka qaadato sidii shakhsi fulin kara danahooda uu uga soo muuqdo kursiga Baarlamaanka oo todobaadyada soo socda la qaban doono doorashadiisa.

Shariif Xasan oo sanooyinkii lasoo dhaafey dalaal u ahaa dowladda Itoobiya ayaa loosoo xil saarayaa in door muhiim ah uu ka qaato doorashada shakshi ay wataan Itoobiya iyo kooxda Damu jadiid.

Faarax C.qaadir oo lagu tiro hogaamiyeeyaasha Damu jadiid  fuliyana danaha Itoobiya ka bilaabay olole lagu muujinaayo sidey uga go’an tahay in ay doonayaan kursiga baarlamaanka, waxaana dhinaca kale arimahaas la wada Shariif Xasan oo xulafo dhow ay yihiin oo dhamaan Itoobiya gacanta ku hayso.

Iyadoo muddada Sandka ah ee Xukuumada Farmaajo Jirto laga raystay farogalinta Itoobiya ayaa durbaba waxaa soo baxay in Gabre hawshiisii kusoo laabtay imikana wado qorshe Itoobiya ku raadinayso afhayeen Itoobiya u janjeedha oo maamula Barlamanka Somaliya.

Xafiiska Wararka Boramanews

Boramanews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree