ABDUU

Monday, 16 April 2018 09:44

" Carabtu Ha Fuliyaan Balan Qaadyadii Ay Somaliya U Sameeyeen" Madaxwayne Farmajo Oo Madaxda Wadamada Carabta U Baaqay In Ay Fuliyaan Balanqaadyada Ay Somaliya U Sameeyeen

16/4/2018(BNN) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ka mid ahaa Madaxdii ka qeyb gashay shirkii 29-aad ee Jaamacadda Carabta ayaa Khudbad uu jeediyay waxa uu kaga hadlay Arrimaha Soomaaliya.

Xaaladda Siyaasadeed iyo Midda Amni ee Dalka waxa uu sheegay in ay soo Hagaageyso, waxa uuna ka dalbaday Madaxdii Carbeed ee Ballanqaadyada horay Soomaaliya ugu sameeyay in ay bixiyaan Waxyaabihii ay u ballan qaadeen.

Waxa uu weydiistay in la fuliyo Ballan-qaadyadii Shirarkii Hore ay u sameeyeen Wadamada Carabta Soomaaliya ay ka dhabeeyaan, sidoo kalana la dhaqan geliyo go’aamada kasoo baxa Shirarkooda.

Madaxweyne Farmaajo ayaa soo hadal qaaday in Baahida ka dhex jirta Midnimada Dalalka ku midoobay ururka Jaamacadda Carabta loo baahan yahay, meeshana laga saaro Xurgufta ka dhex jirta.

Xiisadaha ka dhex jira Wadamada Carabta ayaa saameeyay Shirkii 29-aad ee Shalay ka dhacay Sacuudiga, kadib markii uu ka maqnaa Amiirka Qadar oo kasoo Muuqan jiray Shirarkii horay, sababaha uu ugu baaqday waxaa ugu weyn go’doonkii ay saareen Wadamada Sacuudiga uu Hogaanka u yahay.

 

 

Xafiiska Wararka BormaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree