ABDUU

Tuesday, 15 May 2018 08:04

Dawlada Fadaraalka Somaliya Oo U Hambalyaysay Ra’isalwasaaraha Malaysia Mahatiir Maxamed Oo Dhawaan Loo Doortay Hogaanka Dalka Malaysia

15/05/2018(BNN) Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa hambalyo u dirtay ra’isalwasaaraha Malaysia Mahatiir Maxamed oo dhawaan loo doortay Ra’isalwasaaraha dalkaas loona dhaariyay.

Warqad ka soo baxday Xafiiska Safaaradda Soomaaliya ee Malaysia ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu u hambalyeeyay Ra’isalwasaaraha cusub ee Malaysia.

Waxaa uu Madaxweyne Farmaajo ku baaqay xoojinta xiriirka labada dal ee muddada soo jiray,waxaana uu ku baaqay wada shaqeyn dheeraad ah.

Dhinaca kale Warqad ka soo baxday Xafiiska Ra’isalwasaaraha Soomaaliya ayaa loogu hambalyeeyay Ra’isalwasaare Mahatiir Maxamed .

Xiriirka Diblomaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Malaysia ayaa waxaa uu soo billowday 17kii December Sanadkii 1960kii.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree