Tuesday, 15 May 2018 08:11

“Dowladdeena Ma Jecla Federaaleynta, Aad bey u Neceb tahay, Haddii Aan Ku Adkeynana…” Madaxwayne Xaaf Oo Sheegay In Dawladu Fadaraalka Daacad Ka Ahayn

15/05/2018(BNN) Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ka hadlayay shirkii Madaxda dowlad goboleedyada ayaa sheegay in dowladda aysan jecleyn Federaaleynta, isagoo ku taliyay in tartiib tartiib loo baro.

Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in haddii ay ku adkeeyaan dhaqan gelinta Federaaleynta ay ka baqayaan inay dhibaato timaado, si la mid ah dagaalkii maamulkiisa lagu qaaday sida uu yiri.

“Dowladeena ma jecla Federaaleynta, aad bey u neceb tahay, haddii aan ku sii adkeynana waxaa ka baqayaa inay dhibaato timaado, midkii aan soo maray oo kale, waa in aan tartiib tartiib u barano, ayagana u barno waaye”ayuu yiri Xaaf.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in dowladda Federaalka lagula xisaabto arrimaha taagan, isla markaana waxyaabaha qaarna aad looga feejignaado.

Madaxda maamul goboleedka oo ku mideysan Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa shir ku leh magaalada Baydhabo, iyadoo shirka looga hadlayo arrimo badan oo ka dhex taagan dowladda Federaalka iyo maamulada dalka oo aan xiriirkooda wanaagsaneyn.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BormaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree