borama 250x250

ABDUU

Tuesday, 15 May 2018 12:10

Raysal Wasaare Ku Xgeenka Dawlada Fadaraalka Somaliya Oo Kulan La Qaatay Dhigiisa Dalka Turkiga Iyo Waxyaabaha Ay Ka Wada Hadleen

15/05/2018(BNN) Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamuud Guuleed (Khadar), oo safar ku jooga magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa waxa uu kulan la yeeshay dhiggiisa Dalkaas, Dr Recep Akdag.

Mahdi Maxamuud Guuleed iyo Dr Recep Akdag ayaa ka wada hadlay wanaajinta xariirka qotadda dheer ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Turkiga.

“Waxa aan Ankara kula kulmay Ra’iisul wasaare ku xigeenka Turkiga, Dr Recep Akdag. Waxaanu kawada hadalay xiriirka labadda dal ee dhinacyada iskaashiga dhaqaalaha Ganacsiga iyo waxbarashada ee Soomaaliya iyo Turkiga”, ayuu yiri Ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya.

Dawladaha Turkiga ayaa waxa ay ka mid tahay dawladaha xariirka dhaw la leh Dawladda Federaalka Soomaaliya,waxaana ay ka taageertaa dhinacyada amaanka,dib u dhiska iyo Bani’adamnimada.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree