Tuesday, 15 May 2018 13:32

Somaliland Iyo Puntland Oo Guulo Ka Kala Sheegtay Dagaalka Ka Soo Cusboonaaday Deegaanka Tukaraq Ee Gobolka Sool Iyo Faahfaahino Ka Soo Baxaya Dagaalka

 

15/05/2018(BNN) Iyada oo saaka Ciidamo ka kala tirsan Maamullada Puntland iyo Somaliland ay ku dagaallameen degaanka Tukarraq ee Gobolka Sool ayaa waxaa ay labada dhinac ka sheegteen guulo.

Haddii aan ku hormarno dhinaca Maamulka Puntland waxaa ay sheegeen in 3 Askari ay dhankooda ka dhimatay 11 kalena ka dhaawacmeen iyaga oo ka gaabsaday dhinaca kale waxa ay ka ogyihiin.

Waxaa ay soo bandhigeen 3 Gawaarida dagaalka ah oo ay sheegeen in ay ka furteen Ciidamada Somaliland ee kula dagaallamay degaanka Tukarraq.

Dhinaca kale Wasiirka Gaashaandhigga Somaliland ayaa sheegay in Ciidankooda ay guul ka gaareen dagaalka Tukarraq islamarkaana ay fariiso hor leh kala wareegeen Ciidanka Puntland.

Waxaa uu sheegay in khasaare uu dhinacooda ka soo gaaray dagaalka hase yeeshee aan wali la sameyn tirakoobka dhabta ah ee khasaaraha ka dhashay dhinaca Maamulka Somaliland.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree