borama 250x250

ABDUU

Tuesday, 15 May 2018 16:09

Boqortooyada Sucuudiga Oo Shaacisay Mowqifkeeda Ku Aadan Safaaradi Maraykanka Ee Loo Raray Magaalada Barakaysan Ee Qudus

15/05/2018(BNN) Golaha Wasiiradda ee dalka Sacuudiga waxay maanta gaashaanka ku dhufteen Go’aankii ay Dowladda Maraykanka safaaradoodii ku taallay Yuhuudda u so owareejiyeen Magaalladda Barakaysan ee Quddus-ta La-haysto.

Warbaahinta Sacuudiga weaxay maanta baahiyeen Mowqifka ay Dowladda Saxuudiga kaga soo horjeedaan Furitaanka Safaaradaasi, ooh al maalin ka hor laga furay magaalladda barakaysan ee Quddus-ta La-haysto.
Sacuudiga waxay sheegeen inay Tallaabadaasi xad-gudub ku tahay Taariikhiyan iyo Xuquuqda joogtada ee dadka Falastiin ee magaalladda Quddus.
Dhinaca kale, Dowladda Sacuudiga waxay shalay cambaaraysay falkii ay Aaksrta Yuhuudda ku dileen ku-dhawaad 60- Falastiiniyiin ah oo ka qeyb galayey Dibadbaxyo ay kaga soo horjeedaan Safaaradda Maraykanka ee laga furay magaalladda Quddus.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree