ABDUU

Tuesday, 15 May 2018 18:19

Wasiirka Dastuurka Jamuuriyada Fadaraalka Somaliya Oo Shaaciyay Sobobta Ay Muumulka Jubaland Uga Soo Qayb Gali Wayday Shir Waynaha Dib U Eegista Dastuurka

15/05/2018(BNN) Wasiirka Wasaaradda Dastuurka Soomaaliya Cabdiraxmaan xoosh Jibriil oo Khudbad ka jeedinayay Maanta xeritaankii shirweynaha Qaran ee dib u eegista Dastuurka ayaa ka hadlay maqnaanshihii shirkaas ee Maamulka Jubbaland.

Cabdiraxmaan xoosh Jibriil ayaa sheegay in Maamulka Jubbaland uusan naceynbu qabin dastuurka balse ay jiraan xaalado uu ka gaabsaday in uu ka hadlo.
Wasiir Xoosh Jibriil ayaa sheegay in ay dhankooda diyaar u yihiin ay ay la hadlaan Maamulka Jubbaland,isla markaana dhawaan uu Muqdisho ka dhacayo shir ay leeyihiin Wasaaraddaha Dastuurka ee Heer federal iyo Heer Maamul Goboleed.

Saddexdii Maalmood ee uu socday shirka dib u egista Dastuurka dalka ayaa waxaa la hadal hayay Maamulka Jubbaland oo sheegay in ay qaadaceyn shirkaas,in kastoo weli aysan cadeyn sababta ay ku diideyn shirkaas.

Shirweynaha Qaran ee dib u eegista Arrimaha Dastuurka ayaa Maanta lasoo gaba gabeeyay,iyada oo laga soo saaray Warmurtiyeed Saddex bog ka kooban.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree