ABDUU

Wednesday, 16 May 2018 09:36

Dagaalka U Dhexeya Somalilnad Iyo Puntland Oo Xalay Mar Kale Dib Uga Bilaambay Deegaanka Tukaraq Iyo Nuucyada Hubka Culus Oo La Isku Adeegsaday

16/05/2018(BNN) Wararka ka imaanaya Deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool ayaa sheegaya in Xalay Xili dambe uu ka dhacay Dagaal u dhaxeeyay Ciidamada Maamulada Somaliland iyo Puntland oo muddooyinkii dambe isku hor fadhiyay.

Salaadii Maqrib ee shalay ayuu dagaalkii Shalay Subax bilawday istaagay, mana jirto Cid kala dhex gashay oo joojisay dirirta labada dhinac.

Rasaas iyo Madaafiic goos goos ah oo Salaadii Ceshe kadib bilaabatay ayaa ugu dambeyn Xalay isku rogtay iska hor imaad toos ah oo labada dhinac dhexmartay.

Wararka Saaka aynu ka heleyno Gobolka Sool ayaa sheegaya in Ciidamada Somaliland iyo Puntland ay is hor fadhiyaan, iyadoona la maqlayo rasaas Goos goos ah oo ay isku ridayaan.

Waqti waliba waxa ay dadka degen Deegaanada ka agdhaw halka ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Puntland iyo Somaliland ay sheegeen in uu dagaalka dib u bilaaban karo.

Ciidamo dheeraad ah ayay labada dhan u direen Goobaha Dagaalka uu ka soconaya, waxa ay kala sheegayaan Guulo dhanba dhanka kale uu sheegayo in uu ka gaaray.

Khasaaraha Dagaalkii Xalay lama ogo inta uu la egyahay maadaama Xili Habeen ah uu dagaalka dhacay, waxayna Puntland sheegeen in Iska hor imaadkii shalay ay ku dileen Col Maxamed Daauud oo ahaa Taliyihii Ciidamada Somaliland ee Tukaraq.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ku baaqay in shuruud la’aan Dagaalka la joojiyo, miiska wada hadalkana ay kuwada xaliyaan Somaliland iyo Puntland waxyaabaha ay kala tirsanayaan, inkastoo Madaxweyne Muuse Biixi uu Dowladda ku eedeeyay dagaalkaasi.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree