borama 250x250

ABDUU

Wednesday, 16 May 2018 09:45

Ergayga Qaramada Midoobay Ee Somaliya Michael Keating Oo Ka Hadlay Dagaalka Ka Socda Deegaanka Tukaraq Baaqna U Diray Somaliland Iyo Puntland

16/05/2018(BNN) Wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Danjire Michael Keating, ayaa ugu baaqay maamullada Somaliland iyo Puntland.

Waxaa uu ka codsaday in ay joojiyaan dagaalka ka soo cusboonaaday degaanka Tukarraq ee Gobolka Sool,halkaas oo ay Ciidamada labada dhinac ku dgaallameen shalay ilaa xalay.

Michael Keating,ayaa sheegay in dagaalka aanu u wanaagsaneyn labada maamul waxaana uu ugu baaqay in ay wadahadl ku dhameeyaan heshiis siyaasadeedna ka gaaraan khilaafka dhinaca dhulka ah ee labada maamul u dhaxeeya.

Madaxweynaha dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa waxaa uu horay ugu baaqay labada maamul in ay dagaalka joojiyaan islamarkaana ilaaliyaan nabadda degaanka.

Michael Keating,ayaa sheegay in dagaalka labada dhinac u dhaxeeya uu sababi doono Barakaca dadka degaanka ah oo xaalad gargaar deg deg ah ka abuurta degaanka.

Waxaa uu sheegay in labada maamul ay kala duwanaanshahooda ku dhameeyaan miiska wadahadalka hjalkii ay xabbad xal ku raadin lahaayeen.

Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree