ABDUU

Wednesday, 16 May 2018 10:08

Kooriyada Woqooyi Oo Si Lama Filaan Ah U Hakisay Wada Hadaladii Ay La Haayeen Maraykanka Iyo Kuuriyada Koonfureed Iyo Sobobta

16/05/2018(BNN) Dowladda Waqooyiga Kuuriya ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay hakisay wahadalladii ay kula jirtay dowladaha Mareykanka iyo Koofurta Kuuriya,waxaana ay ku gooddisay in ay ka baxeyso kulanka Trump iyo Kim ee Singapore.

Arrintan waxaa ay soo baxday kaddib markii Mareykanka iyo Koofurta Kuuriya ay sameeyeen dhoollatus Milatari oo ay Waqooyiga ku tilmaantay daan daansi lagu doonayo in dalkeeda lagu weeraro.

Wakaaladda Wararka Waqooyiga Kuuriya ee KCNA ayaa baabisay in Xukuumadda Waqooyiga Kuuriya qaadatay go’aanka hakinta wadahadallada ay kula jirtay Koofurta Kuuriya,waxaa kale oo ay ku hanjabtay ka bixitaanka shirka Kim iyo Trump ee dhacaya Bisha June,kaas oo la qorsheeyay in uu 12ka June uu ka dhaco Singapore.

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa war ay soo saartay ku sheegtay in kulanka Trump iyo Kim dhinaca Mareykanka uu diyaar yahay islamarkaana hanjabaadda cusub aysan saameyn ku lahayn dhankooda.

Dowladaha Koofurta Kuuriya iyo Mareykanka ayaa shaaciyay jadwalka dhoollatuskooda Milatari oo ay ku sheegeen in uu dhacayo 14 ilaa 25 May ,taas oo ay Xukuumadda Pyongyang ku tilmaantay gar darro cusub oo liddi ku ah dadaalka nabadeed ee socda.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree