Wednesday, 16 May 2018 10:20

Dagaal Culus Oo Dhanka Twitter-Ka Ah Oo Ka Dhex Qarxay Madaxwaynaha Turkiga Racep Deyib Erdogan Iyo Raysal Wasaaraha Yahuuda Benyamin Netanhayu.

16/05/2018(BNN) Madaxweynaha Dalka Turkiga Racep Deyib Erdogan ayaa weerar dhinaca afka ah ku qaaday Ra’isalwasaaraha Maamulka Israel Benyamin Netanhayu.

Erdogan ayaa sheegay in Ra’isalwasaaraha Israel uu yahay Nin dalkiisu gumeysto dad aan waxba iska difaaci karin,sidoo kalena 60 sano jebinaya xeerarka Caalamiga ah islamarkaana dhiigga Falastiin uu gacmahiisa ka da’ayo.
Intaas kaddib Ra’isalwasaaraha Israel ayaa ka jawaabay farriinta Twitter-ka ah ee Erdogan,waxaana uu Madaxweynaha Turkiga ku sheegay Nin taageera Argagixisada Xamaas islamarkaana ah qofka ugu weyn ee taageera,waxaa uu intaas ku daray in hadalka Erdogan uusan waxba u dhimeyn Niyadda dadka Israel.

Madaxweynaha Turkiga ayaa markiisa ka jawaabay farriinta Netanyahu ,waxaana uu sheegay in Xamaas aysan ahayn urur argagixiso islamarkaana yahay urur u dagaallamaya xorriyadda dalkoodana kana difaacaya Awood gumeysi.

Erdogan ayaa intaas ku daray in Caalamka garab taaganyahay Falastiin,kana difaacayo gar darrada Israel.

Israel iyo Turkiga ayaa eryay safiirrada waxaana aad u xumaaday xiriirka labada dhinaca kaddib markii Safaaradda Mareykanka 14kii Bishan laga furay Quddus,lana dilay 60 Falastiiniyiin ah.

UR1

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

NI1

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

UR2

 

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree