ABDUU

Wednesday, 16 May 2018 11:37

Daawo Hogaamiyihii Mucaaridka Malaysia Anwar Ibrahim Oo Xabsiga Lagasiidaayay Iyo Raysalwasaare Mahathir Mahamed Oo Xilka Ku Wareejinaya DAAWO MUUQAAL

16/07/2018 /Bnn/ Anwar Ibrahim oo ah 70 sano jir ayaa shantii sano ee lasoo dhaafay xabsiga ku jiray isagoo lagu eedeeyey danbiyo la xariira gogoldhaaf, kiiskaasi oo uu sheegay inuu ahaa mid uu soo dhoob dhoobay xisbi xaakimka dalka soo xukumayey.
anwrSuldaanka dalka Malaysia Mohamed ayaa cafis u fidiyey Anwar Ibrahim oo maanta oo Arbaca ah la kulmaya Suldaanka, xili lagu wado in Anwar uu noqdo Raysalwasaaraha cusub ee dalkaasi kadib markii xisbigiisa PKR uu ku guuleystay doorashadii guud ee dalkaasi ka dhacday Arbacadii lasoo dhaafay ee 9kii bishan May.
Xisbiga Anwar ee PKR ayaa markii ugu horeysay xukunka ka tuuray xisbi xaakimka UMNO oo kasoo talinayey dalkaasi tan iyo markii uu xoriyada qaatay 1957dii.
Guusha mucaaridka ayaa waxaa kaalin weyn ka qaatay Raysalwasaarihii hore Mahathir Mohamad oo ay isbaheysi wada sameysteen. Mahathir oo ahaa Raysalwasaarihii ugu xilka dheeraa oo dalkaasi soomara ayaa isaga baxay xisbi Xaakimka UMNO kadib markii ay isku dhaceen Raysalwasaaraha xilka hayey ee Najib Razak.
Mahathir ayaa sidoo kale ahaa hogaamiyihii xiray Anwar Ibrahim markii uu hayey hogaanka xisbi Xaakimka, balse sanadkii tagay ayuu heshiis la galay xisbiga iyo Qoyska Anwar, isagoo sheegay inay is-cafiyeen isla markaana wada sameysteen isbaheysi ka dhan ah xisbi Xaakimka iyo Raysalwasaare Najib Razak oo ay hada xilka ka tuureen.
 
Xafiiska Wararka BNN
Boramanews.com

Media

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree