ABDUU

Wednesday, 16 May 2018 18:43

Wadan Labaad Oo Safaaridiisa Ka Furtay Magaalada Barakaysan Ee Qudus Kadib Markii Safaarada Maraykanka Loo Raray Qudus + Waa Dalkee Dalkaasi

16/05/2018(BNN) Dowladda Guatemala,ayaa raacday Mareykanka waxaana ay safaaraddeedii Tel Aviv u wareejisay maagalada Quddus labo maalin kaddib markii uu Mareykanka sidaas sameeyay.

Guatemala,waxaa ay ahayd dalkii ugu horreeyay ee 6dii December taageeray go’aanka uu Quddus ugu aqoosaday caasimadda Israel,waxaana ay ballan qaadday in ay Safaarad ka furaneyso.

Madaxweynaha Guatemala,Jimmy Morales iyo xaaskiisa ayaa ka qeybgalay furtaanka Safaaraddooda Israel ee Quddus taas oo ka dhigeysa dalkii 2aad ee caasimaddiisa Israel u wareejiyay Quddus.

Go’aanka Mareykanka gaar ahaan guuritaanka Safaaradda Mareykanka ee Quddus waxaa ay sababtay dhimashada 62 Qof oo Falastiiniyiin ah kuwaas oo maalin kaliya ay dileen Ciidanka Israel.

Guatemala,waxaa ay ahayd dalkii 2aad ee Sanadkii 1948dii aqoonsaday Israel una aqoonsaday dowladda,madaxda dalkaas oo ka hadlayay go’aankooda Quddus ee maanta ayaa sheegay in wax cadaadis ah aysan kala kulmin Mareykanka si ay Quddus ugu aqoonsadaan caasimadda Israel.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree