borama 250x250

sugar

ABDUU

Tuesday, 12 June 2018 11:45

Magacaabista Golaha Wasiirada Maamulka Galmudug Oo Dib Loodhigay Iyo Khilaafka Madaxda Maamulkaasi Oo Cirka Isku Sii Shareeraya

12/06/2018(BNN) Todobaadyadii la soo dhaafay madaxweynaha Maamulka Galmudug waxa uu waday qaban qaaabadii u dambeysay ee magacaabista Golihiisa Wasiirada qeybta Maamulka Ahkusunna ee ku biiray Galmudug.

In kastoo uu weli jiro diyaar garowga magacaabistaas ayaa hadana warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in dib loo dhigay,kadib markii codsi uu ka yimid waxgaradka iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda deegaanada Maamulkaas.
Weli waxaa taagan khilaafka soo kala dhexgalay madaxda sare ee Galmudug kuwaas oo haatan kala degan magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb taas oo keentay dib u dhaca Magacaabista Golaha Wasiirada Galmudug.

Wararka ay Dalsan heleyso ayaa waxa ay sheegayaan in madaxweyne Xaaf uu aqbalay codsiga odayaasha iyo siyaasiyiinta,walow weli aysan jirin cid waan waan ka dhex wada madaxda iskhilaafsan ee Galmudug.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree