Tuesday, 12 June 2018 17:18

Dawlada Iran Oo Si Kulul Uga Hadashey Kulankii Madaxwaynayaasha Dalalka Maraykanka Iyo Kuuriyada Digniina U Dirtey Kuuriyada Waqooyi

12/06/2018(BNN) Dalal badan ayaa soo dhaweeyey heshiiska Singapore, hase yeeshee wadanka Iran ayaa qaba aragti taa ka duwan.

Saraakiisha Iran waxay markiiba digniigo u direen Kuuriyada Woqooyi oo ay uga digayaan in Trump heshiiskaa ka bixi karo intaanu kuba noqon Washington.
"Garan mayno nooca ay tahay shakhsiyadda qofka uu hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi wada xaajoodka la gelayaa” ayuu yidhi af-hayeenka dawladda Iran oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee Iran
Bishii hore ayaa Trump waxa uu sheegay in uu dalkiisu ka baxay heshiiskii nukliyeerka ee Iran lala galay sannadkii 2015-kii waxaanu ku tilmaamay in uu ahaa heshiis "sal iyo baarba kharriban”.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree