borama 250x250

ABDUU

Tuesday, 12 June 2018 23:58

Deg Deg: Dagaal Culus Oo Ka Dhex Qarxay Xaruuntii Madaxtooyada Galmudug Ee Magaalada Cadaado Iyo Khilaafka Madaxda Maamulka Galmudug Oo Gaadhay Meeshii Ugu Saraysay

12/06/2018(BNN) Wararka hadda naga soo gaadhaya Magaalada Cadaado ayaa sheegaya inuu dagaal culus ka socdo madaxtooyada Galmudug, Kadib markii Ciidamo ka amar qaata madaxweyne ku xigeenka Galmudg iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka ay weerar ku soo Qaadeen madaxtooyada oo ay gacanta ku hayaan wasiiro iyo xildhibaano taageersan Madaxweyne Xaaf.

Sida wararka sheegayaan ciidamadii soo weeraray madaxtooyada ayaa dib loo celiyey markii uu qarxay dagaal culus.

Dagaalka oo la isku adeegsanayo hubka darandooriga u dhaca ayaa Khalkhal ku keenay Magaalada Cadaado, iyadoo Dagaalka uu hadda dib uga durkay madaxtooyada waxaana muuqata in laga guuleystay Ciidamadii weerarka soo qaaday.

Wasiirka Maaliyadda Galmudug Saacid Siyaad ayaa lasoo sheegayaa inuu ku jiro madaxtooyada dhexdeeda, mar aan la xidhiidhnayna wuxuu sheegay inay ciidamada madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamaanka ay weerarka soo qaadeen.

Dagaalka ayaa weli socdo mana istaagin waxaana ciidamadii weerarka soo qaaday loo diiday inay galaan madaxtooyada.

Khilaafka madaxda Galmudug ayaa gaadhay meesha ugu sareysay, waxaana laga cabsi qabaa inuu dagaalka sii xoogeysto maadaama ay jiraan gurmad labada dhinac soo gaadhayo.

Madaxweyne ku xigeenka iyo guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa dhawr asbuuc loo diidanaa inay ku shaqeeyan madaxtooyada iyagoo saldhig ka dhigtay guri ku yaalo Cadaado.


Xafiiska Wararka boramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree