borama 250x250

ABDUU

Wednesday, 13 June 2018 14:30

Madaxwaynaha Maamulka Puntland Oo Xilkii K Xayuubiyay Qaar Ka Mid Ah Taliyayaasha Ciidamada Puntland Iyo Waxyaabaha Uu U Cuskaday

13/06/2018(BNN) Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 13 June 2018 xafiiskiisa ka soo saaray wareegto uu xilkii kaga qaaday Agaasimayaasha Hay’adaha PSS iyo PIA.

Xeer Madaxweyne Lr. 71 June 13 2018, kuna saabsan Xilka Qaadid Agaasimayaasha Hay’adaha PSS iyo PIA.

Madaxweynaha Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Puntland.

Markuu arkay: Muhiimadda ay leeyihiin Hay’adaha amniga.
Markuu tixgaliyey: Talo soojeedinta Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta

Wuxuu Xeeriyey:

1.Wuxuu Xilkii Agaasimaha Guud ee Hay’ada PIA ka qaaday Cabdirsaaq Ciise Xuseen (Khaatumo).

Wuxuu Xilkii Agaasimaha Guud ee Hay’ada PSS ka qaaday Cabdulaahi Aadan Maxamed (Cabdulaahi Ulle).

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

=DHAMMAAD=


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree