ABDUU

Wednesday, 13 June 2018 17:17

Deg Deg: Dalka Marti Galin Doonta Koobka Aduunka Ee Sannadka 2026ka Oo La Shaaciyay Iyo Dalka Ku Guulaytay Marti Galinta Tartankaasi

13/06/2018(BNN) Dalalka Mareykanka, Canada iyo Mexico oo wada-jir ah ayaa ku guuleystay marti-gelinta koobka kubadda cagta adduunka ee 2026, kadib codbixin maanta ka dhacday dalka Ruushka, oo berrii u ka furmayo koobka adduunka.

Saddexdan dal ayaa ka adkaaday dalka Morocco, oo ah kan kaliya ee la loolamayey.
Waxay haleen 134 cod oo ka mid ah codadka guddiga wakiilada xidhiidhada dunida ee doorashada sameynayey, halka Morocco ay ka heshay 65 cod.
"Tani xaqiiqdii waa daqiiqad muhiim u ah kubadda cagta Waqooyiga America” waxaa sidaas yiri guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Mareykanka Carlos Cordeiro.
Koobka kubadda cagta adduunka ee 2026, ayaa waxaa markii ugu horrreysay ka qeyb gali doona 48 dal, halka iminka ay ka qeyb-galaan 32 dal.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree