borama 250x250

ABDUU

Wednesday, 13 June 2018 18:07

Madaxwaynaha Dalka Maraykanka Oo Inay Dhamaatay Cabsidii Nukliyeerka Ee Waqooyiga Kuurya.Ka Dib Kulankii Ay Wada Qaateen Hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi

13/06/2018(BNN) Maraykanka oo dib ugu laabtay Washington waxa uu Twitter-kiisa ku qo difaacay go’aanka lagu joojinayo Carbiska Milliteri ee ay Ciiddankiisa ka sameeyaan Koonfurta Kuurya.

Waxa uu intaasi ku daray inay lacag badbaadayso haddii aan la qabanin Carbiskaasi.
Donald Trump waxa kale oo uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay inaysan jiri doonin cabsida Nukliyeerka ee Waqooyiga Kuurya, iyadoo Khubarada rumeysan yihiin in ay Waqooyiga Kuurya haystaan 20 ilaa 60 bam Atoomik.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Maraykanka waxa uu sheegay inta uusan Xilka qabanin inay jirtay cabsi laga qabo dagaal lala galo Waqooyiga Kuurya, isla markaana uu Madaxweynihii ka horreeyey ee Barack Obama sheegay inay Waqooyiga Kuurya tahay mashaakilka ugu weyn ee Qaranka Maraykanka.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree