borama 250x250

sugar

ABDUU

Thursday, 14 June 2018 11:29

Golaha Guud Ee Qaramada Midoobay Oo Go'aan Ka Soo Saaray Bad Qabka Falastiiniyiinta Iyo Weerarada Ay Yahuudu Ka Gaysato Gudaha Falastiin

14/06/2018(BNN) Golaha guud ee Qaramada Midoobay ayaa si buuxda isugu raacay qaraar ay ku cambaareynayaan adeegsiga awooda xad dhaafka ah ee ay ciidammada Israel u adeegsadaan dadka rayidka ah ee Falastiin.

Qaraarkan ayaa sidoo kale loogu baaqay xoghayah guud ee qaramad midoobay inuu ka soo shaqeeyo qaabka lagu badbaadin karo Falastiniyiinta. Qaraar kan lamid ah oo dhawaan la horkeenay golaha ammaanka ee Qaramad Midoobay ayaa waxaa ku gacan seeray Mareykanka.

Qaraarkan ay soo saareen Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale lagu cambaareeyay gantaalada lagu tuuro Israel, kuwaasi oo la sheegay inay soo turaan ururka Xamaas.

Ugu yaraan boqol iyo labaatan Falastiniyiin ah ayaa waxaa dilay ciidammada Israel, kuwaasi oo ku sugnaa marinka Qaza.

Dadkan ayaa tan iyo bishii Maarso ee sannadkan waxaa ay dhigayeen dibadbax ay uga soo horjedaan safaaradda Mareykanka uu ka dhisayo magaalada Qudus.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree