borama 250x250

ABDUU

Thursday, 14 June 2018 19:24

Nin Somali Ah Oo La Sheegay In Uu Weerar Ku Qaaday Masaajid Ku Yaala Magaalada Cape Town Ee Dalka Koonfur Africa Iyo Khasaaraha Uu Gaystay

14/06/2018(BNN) Waxaa warar dheeraad ah laga helayaa nin Soomali ah oo weerar loo adeegsaday Mindi ku qaaday Maasjid ku yaalla Magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika.

Khasaaraha ka dhashay weerarkan ayay Boolisku ku sheegeen in ay ku dhinteen laba qof, iyada oo ay ku dhaawacmeen ilaa Saddex ruux oo la dhigay mid ka mid ah isbitaalada ku yaalla magaalada Cape Town.

Saraakiisha Booliska oo arrintan baaritaano ku haya ayaa waxa ay sheegeen in falkan uu dhacay waxyar kadib Salaada Tahjudka, waxay kaloo Boolisku tilmaameen ninka weerarka geystay in madaxa looga jiray ama uu qabay xanuunka dhimirka.

Ninka Somaliga ayaa la sheegay in uu muddo ku noolaa dalkaasi, islamarkaana mar uu ka mid ahaan jiray Ganacsatadda Soomaliyed ee halkaasi ku nool.

Ciidamada Booliska ayaa markii dambe toogtay ninka ku hubeysnaa tooreyda, kaddib markii uu isku dayay inuu soo weeraro.

Dhacdadan ayaa waxaa aad u hadal haya jaaliyadda Soomaliyed ee ku nool dalkaasi, waxayna tilmaameen in arrintan ay ku noqotay layaab.

Media

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree