borama 250x250

ABDUU

Tuesday, 10 July 2018 16:07

Kulan Albaabadu U Xidhan Yahay Oo Maanta Ay Yeesheen Madaxwayne Muuse Biixi Iyo Siyaasiga Ismaaciil Hurre Buubaa Oo Is Afgarad Ku Dhexmaray Madaxtooyada+SAWIRO

10/07/2018 (BNN) Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa maanta xafiiskiisa ugu yeedhay isla markaana kulan albaabadu u xidhan yihiin la yeeshay Siyaasiga caanka ah Ismaaciil Hurre Buubaa oo ah rugcadaa si wayn uga soo horjeeda Xisbiga Kulmiye isla markaana kana mida siyaasiyiinta beesha Garxajiska ee ku kacsan Muuse Biixi iyo isbaahaysigiisa Kulmiye.

Kulankani ayaa war hoose oo Boramanews kasoo gaadhay uu sheegayaa inuu ahaa mid Muuse Biixi ku dalbaday inuu Buubaa la yeesho isla markaana Buubaa wax ka waydiinayay isbadalka Geeska Afrika iyo wadahadalka Somaliya dhawaan u furmaya Somaliland.

Muuse Biixi Cabdi Madaxwaynaha dhawaan la doortay ee Somaliland ayaa qalbiwanaag u muujiyay Buubaa kana codsaday inuu u baahan yahay talo wixii wanaag ahna looga fadhiyo inuu ku taageero dawlada Somaliya,Buubaa ayaa qiray qalbiwanaaga Muuse Biixi sheegayna inuu marnaba filaynin kulankaasi diyaarna u yahay in Somaliland ka taageero waayo aragnimadiisa iyo aqoontiisa wixii uu awoodi karo kana codsaday Muuse Biixi inuu wax maqlo oo la,isdhagaysto.

Kulankani oo Buubaa hadal kooban kasoo saaray ayaa waxa uu kusoo beegmayaa xili mandiqada bariga Afrika ka taagan tahay isbadal meel halisa dhigi kara Somaliland oo u baahan in si wayn loo faaqido ayuu yidhi Buubaa oo maanta kulan la yeeshay Madaxwayne Muuse Biixi.

 

Cabdiraxman X Xasan (Suul)

Hargeysa/Boramanews

 buub1
buub2
buub3
We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree