Wednesday, 11 July 2018 10:16

Dawlada Yahuuda Oo Xidhay Waddada Ugu Muhiimsanay Ee Badeecadaha Loo Marinayay Shacabka Reer Falastiin Ee Ku Nool Magaalada Qaza Iyo Sobobta

11/07/2018(BNN) Israa'iil ayaa xidhtay waddada ugu wayn ee badeecadaha loo sii marsiiyo marinka Qaza islamarkaasna ay ugu argoosanayso weerarada Falastiiniyiinta ay uga soo qaadayaan dhanka xadka.

Waxaa loo ogolyahay oo kaliya in marinka Qaza loo marsiiyo qalabka caafimaadka oo ay kamid yihiin cunnooyinka iyo dawooyinka.

Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu wuxuu ballan qaaday in gacan adag uu ku qaban doono maleeshiyaadka Falastiiniyiinta ee xadka kasoo tallaabaya.

Afahayeen u hadlay ururka Xamaas ayaa ku tilmaamay tallaabada Israa’iil dambi cusub oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.


Xafiiska wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree