Wednesday, 11 July 2018 10:36

"Inaan Soomaaliya La midowno Waxaa Nooga Roon Dalalka Kale Ee Deriska Ah Anaga Oo Ku Biirna” Faysal Cali Wareebe Oo Adag U Difaacay Qadiyada Somaliland

11/07/2018(BNN) Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka UCID ee maamulka Somaliland Feysal Cali Waraabe ayaa daboolka ka qaaday inay adkaan doonto in Somaliland ay dib ula midowdo Soomaaliya inteeda kale.

Feysal ayaa sheegay in Somaliland ay ka niyad goosatay Somalia, sidaa aawgeed aysan waxba u arag wadahadalka uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Waxa uu tilmaamay Feysal Cali Waraabe in la midoobida Somalia ay ka doorbidayaan la midoobida dalalka kale ee xaduuda kala dhexeysa Somaliland.

“Adeer wey nooga dhamaatay Xamar waxaanu ka doorbideynaa inaan la midowno wadamada kale aanu xadka wadaagno”.

“Somaliland wakhtiga ayey reer xamarku ka dhuminayaan anaguna waxbaa noo cad dooni meyno inaan wadahadal danbe la galno Somalia”.

Feysal ayaa sheegay in carruurta Somaliland xitaa aysan wali ilaabin dhibaato uu carab dhabay inay kala kulmeen Somalia, waxa uuna tilmaamay inay ka hortaagan tahay ictiraafka.

Sidoo kale, Feysal Cali ayaa xubnaha kasoo jeeda Somaliland ee la shaqeeya dowlada Somalia uga digay inay faragishtaan howlaha aan khuseyn maadaama aysan xamar u dhalan, isla markaana ka carareen Somaliland.

Haddalka Feysal Cali ayaa u muuqanaaya mid lagu sii hurinaayo khilaafka Somaliland kala dhexeeya dowlada Somalia.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree