borama 250x250

ABDUU

Thursday, 12 July 2018 10:05

Madaxwayanaha Dalka Maraykanaka Donald Trump Oo Safiir Cusub U Soo Magacaabay Somaliya Iyo Magaca Safiirka Cusub Ee La Soo Magacaabay

12/07/2018(BNN) Madaxweynaha dalka Maraykanka, Donald Trump waxa uu u soo magacaabay Ambassador Donald Yukio Yamamoto inuu noqdo Safiirka Cusub ee u joogi doona Somalia.

Ambassador Donald Yukio Yamamoto oo 65-jir waxa uu Hawlaha Diplomaasiyadda ku soo biiray sannadkii 1980-kii waxa uu haatan Madax ka yahay Waaxda Wasaaradda Arrimaha Dibedda Maraykanka ugu qaabilsan Qaaradda Afrika.

Ambassador Donald Yukio Yamamoto oo noqonaya Danjirihii 14-aad ee Maraykanka u jooga Somalia Waxa uu horey u soo ahaa Danjirihii Maraykanka u joogay dalka Jabuuti sannadihii 2000 ilaa 2003-dii.

Waxa kale oo uu Danjire ka soo noqday dalka Ethiopia muddadii u dhexeysay 2006-dii ilaa 2007-dii.

Ambassador Donald Yukio Yamamoto waxa kale oo uu Danjire Ku-meel-gaar ah ka soo noqday dalka Eritrea sannadihii 1997-dii ilaa 1998-dii.

Ambassador-ka waxa uu Sanadkii 2016-kii ahaa howl fuliyaha Xafiiska ergada Dublumaasiyiinta Mareykanka u jooga Soomaaliya.

Magacaabistiisa ayaa timid, iyadoo uu Danjirihii hore ee Maraykanka u joogay Somalia, Stephen Schwartz iska casilay Xilkaasi bishii September 29-dii ee sannadkii hore sababo isaga u khaas ahayd.

Ambassador Stephen Michael Schwartz waxa uu xilkaasi hayey tan iyo bishii June ee sannadkii 2016-kii, wuxuuna ahaa Danjirihii ugu horreeyey ee Maraykanka u soo magacaabaan Somalia 25 sanno kadib, burburkii Dowladnimo ee Somalia.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree