ABDUU

Thursday, 09 August 2018 14:37

Dawlada Yuhuuda Oo Duqaymo Naxdin Leh Ka Gaystay Magaalada Qaza Ee Dalka Falastiin Kuna Laysay Caruur Yaryar Iyo Haweenay Uur Lahayd

09/08/2018(BNN) Ugu yaraan saddex Qof oo Falastiiniyiin ah oo ay ku jirto Haweeney Uur leh iyo Ilmo yar oo jiray 18-bilood ayaa ku dhintay Duqeyn dhanka cirka oo ay Ciidamada Israel ay ka fuliyeen Marinka GAZA, sida laga soo xigtay Wasaaradda Caafimaadka dalka Falastiin.

Militariga Israel ayaa uga digay Ururka Xamaas ee ka soo horjeeda iney sii wadaan Rabshadaha, waxayna warbaahinta Israel shacabka u sheegtay iney isaga fogaadan goobaha u dhow Xuduuda Marinka GAZA.

Sarkaal ka tirsan Militariga Israel,ayaa sheegay in Xamaas ay fahmi doonto saacadaha soo socdo in tani aysan ahayn jihadii ay rabtay,ayna sii wadi doonaan duqeynta Marinka GAZA.

Wakaaladda Wararka ee Falastiin WAFA,oo illo xog ogaal ah soo xiganeysa ayaa ku warantay in 12-Qof oo falastiiniyiin ah ay dhaawacmeen,halka xubno ka tirsan Garabka Xamaas ee Hubeysan ay ku dhinteen weerarka.

Rasaas Isweydaarsiga Xamaas iyo Israel aya kusoo beegmaya xilli Heshiiska Xabad joojinta ee la kala dhex dhigay Labada dhinac ayaa waxaa ka muuqday wax uun oo horumar ah taas oo u muuqata inay maanta soo afjaran tay.

Ciidamada Israel ayaa sheegay in ku dhawaad 150-Gantaal oo kaga yimid Gaza ugu yaraan 25 ka mid ah laga hortagay waana sababta keentay inay duqaynta bilaabanto.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree