Thursday, 09 August 2018 15:34

Maxaa Ka Wararka Shegay In Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Jubaland Uu Raysal Wasaare Abiy Ah Kala Hadlay Xaalada Madaxwayne Cabdi Iilay ? [AKHRISO]

09/08/2018(BNN) Waxaa soconaya dedaallo la doonayo in dowladda Itoobiya lagala hadlo xaalada madaxweynihii hore ee dawladda deegaanka Soomaalida Itoobiya oo todobaadkan iska cislay xilkii madaxweyne kaddib khilaaf adag oo soo kala dhax-galay isaga iyo dawladda dhexe ee federaalka.

Bogga BBC-da qeybteeda Afka Soomaaliga ayaa lagu daabacay warar sheegaya in mas’uuliyiin uu ka mid yahay madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam [Axmed Madoobe] u tageen Addis Ababa in ay kala hadlaan raysal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed xaalada Cabdi Maxamuud Cumar iyo guud ahaan-ba dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Horay sidan oo kale Axmed Madoobe waxaa la sheegay in uu dowladda Itoobiya kala hadlay xadhiggii Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax oo markii la sii daayay munaasabad lagu qabtay Nairobi ka sheegay in sii deyntiisa uu gacan ka geystay madaxweynaha Jubbaland.

Dhinaca kale saraakiil heer caalami ah ayaa lagu wadaa in ay tagaan magaalada Addis Ababa kuwaa oo dowladda kala hadli doona qalalaasaha ka dhashay fara-galinta ciidamada federalka Itoobiya ee dawlad deegaanka Soomaalida.


Xafiiska Wararaka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree