Thursday, 09 August 2018 16:45

Deg Deg: Ciidamada Milatriga Itoobiya Ee Gacanta Ku Haya Amaanka Magaalada Jigjig Oo Amar Ku Soo Rogay Shacabka Ku Nool Magaalaa Jigjiga

09/08/2018(BNN) Ciidammada milatariga ee dalka Itoobiya oo maalmihii u dambeeyay gacanta ku hayay ammaanka magaalada Jigjiga ayaa dadka shacabka ah u diidan in ay ka baxaan magaalada, sida ay u sheegeen dad deegaanka ku sugan oo ehelkooda laga soo celiyay duleedka magaalada.

Waxaa jira warar sheegaya in dadka kali ah ee loo ogol yahay in ay magaalada ka baxaan ay yihiin dadka aan Soomaalida ahayn ee muruq maalka ka ahaa magaalada een nolosha kale ku haysanin.

Waxaa furan ganacsiyo badan, waxaana la qorshaynayaa in shacabka magaaladu ay mar kale nadiifin ka bilaabaan waddooyinka magaalada.

Qaar ka mid ah shacabka Soomaalida ah iyo kuwa aan Soomaalida ahayn ayaa shalay billaabayn in ay isla nadiifiyaan waddooyinka Jigjiga.

Dawladda ayaa dadaal ugu jirta in ay noloshu caadi ku soo noqoto, inkastoo ay wali taagan tahay hubaanti la’aantii siyaasadeed.


Xafiiska Wararka BoramaNews
BoramaNews.com

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree