ABDUU

Friday, 10 August 2018 09:44

DAAWO: Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Xaalada Magaalada Jigjiga Iyo Xisbigii Cabdi Iilay Ee Doortay Madaxwaynaha Cusub Oo Looga Yeedhay Adis Ababa

10/08/2018(BNN) Waxaa maanta dib u bilaabmay duulimaadyadii u kala gooshi jiray magalooyiinka Addis Ababaiyo jigjiga, Iyadoo Diyaarad siday rakaab ay ka soo qaaday magaalada Addis Ababa ayaa gaartay magalaad Jigjiga.

Waa markii ugu horeysay tan iyo Sabtidii oo ay diyaarad ka degto magalada Jigjiga, Waxaana si tartartiib ah caadi ugu soo laabanaya noolasha magaalada Jigjiga, iyadoo a dib loo furay qaar ka mid ah ganacsiyada iyo bangiyada magaaladasi.

Dhinaca kale Dawladda Federaalka Itoobiya ayaa Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga DDSI oo dhowaan doortay Madaxwayne Cusub looga yeedhay magaalada Adisaba, Waxaana la sheegay inay ku gacan saydheen Codsiga ka yimid Dawladda dhexe ee Itoobiya.

Masuul u ka hadlay Maamulka Dawlad deegaanka Soomaalida oo ka hadlay Arintan ayaa sheegay In Faragelin Qaawan lagu hayo, Wuxuuna sheegay inuu xidhan yahay Madaxwaynahoodii.\

Media

We use cookies to improve our website and your experience when using it. Cookies used for the essential operation of this site have already been set. Cookie policy. I accept cookies from this site.Agree